Tuesday, April 30, 2013

Xarunta saddexaad ee muraaqabada oo lagu noqday

Xarunta saddexaad ee safarka, haddaan gadaal ugu noqono, waxaaloo arki karaa inay tahay aminta qofka ku waayo aragoobo fana, bacdina markow ka soo baxo waxow qofka dareemaayaa awood ow u leeyahay inuu isxukumo, bacidna waxow doorto si liishaaman ow u qabsado min bilow ilaa dhammaad.
Marka arintaan qofka ow arko waxaa la dhahaa waxow himbirirqsaday naftii ow raadinaayay. Meeshaan waxaa ka cad safarka yoolkiisa inuu yahay qofka inuu is xukumo, bacdi si ow qabsado waxow doorto inow qabsado, bacidna ow saas uga fakado inay duruufaha iyo naftiisa iska wadwado.
Aadamiga waa Khaliifkii Ilaahay ee adduunka marka asagaa isxukumaaya, laakiin waxaa jira wadooyin loo jeexay, ay tahay inuu qaado.Asagayna maslaxo ugu jirtaa. Waa iska diidi karaa hadduu rabo, laakiin waxa ka dhasha asagaa garabka u dhiganaaya.
Qofka marka naftaan raaliyada ah aa u xasilaysa, bacidna waxow awood u helaa inuu doorto waxow rabo inow suubsho, bacidna waa suubiinaa Naftiisa waxay noqonaysaa rabaayad, intii ay xumaanta amri lahayd, hadda waxay amraysaa wanaagga. Waxay amraysaa, bacidna ay u suubinaysaa waxow rabay inow  suubsado. Tan iskama dhacayso, ee waa inuu naftaan la tabo baro. Tanna amin iyo dhabaradayg ay u baahantahay.

No comments:

Post a Comment