Iswalaxaynta waxaa tusaale ka ah inaad sida qof kale iskula hadashid, bacdi waad iswalaxaysay. Nafta waa iswalaxaysaa, arintaan un aan si la taaban karo u suubshay.
Qofka markow aamusanyahay naftiisa waa la hadashaa, xumaanta afka laguma adkeeyo, warka sida roon aad u dhigaysaa, marka bacdi naftaadii waxaad ka dhigtay wax qoran oo la arki karo. Waad walaxaysay.
Aayad Quraan ah oo waxaa jirta sheegaysa qolo ka cabsanaysay inay dhintaan, ayagoo kummaan ka badan, bacdi Ilaahay wuxuu dhahay dhinta. Qofka wuxuu fisho ow badanaa helaa, cabsida waa nooc filasho ah ow qofka filanaayo wax xun, marka waxaa haleelaaya wax xun. Aniga waxaa maalin ka baqay inay gabar aan jeclaa igu qayliso, ama wax igu dhufato, marka waxy bilowday inay qayliso, bacdi cambe igu tuurto, dad kale oo tirobadana si xun ay iila dhaqmeen. Marka waxaan isdhahay waxaan adaa fishay. Xitaa dadka haddii ay xumaan kula soo aadaan, adoo wanaag filaaya, tan ugu xunna diyaar u ah, waxba kaama dhibayso, waayo kuwa wanaagga wada waxaad leedahay maxaa wanaagga idin diiday, bacdamaa tan ugu xun aad diyaar u ahayd, si dagan aad ugu jawaabaysaa.
Marka wanaag filo tafaaulka wax fiican waaye, xummaantana diyaar u noqo.
No comments:
Post a Comment