Wednesday, April 3, 2013

Fikirka iyo Ficilka Insaanka, Qaabkiisa Guud

Marwo aa nin waxay ku tiri ayadoo aamusan waa ka helay. Bacdi asagana wuxuu ku dhahay waa kaa helay anigana. Labadooba markay saan samaynaayeen kama warqabin.

Marka tan waxaa la dhahaa kama warqabnada koowaad. Laba wado ay arintaan qaadan kartaa. Kow, inay ka wada doodaan sida iska helkaan looga dhabayn karo. Labo inay kali Kali uga doodaan. Kay doonto ha noqotee, waa dood.

Khubarada odorosa shukaansiga waxay dhahaan ka wadadooda. Bacdi waxaa xigaaya ficil, tilaabo aan u qaadno hadda yagleelidda iska helkaan, iyo nagu ka lawada kan ma shaqaynaysee. Labadaba Kay rabto ha noqotee, alasay aa lagu kala baxaayaa.

Waxaa laga yaabaa inay diidaan inay kaa wada doodaan, oo bacdi gooni gooni uga doodaan, wax laga helo kama soo baxaaayaan haddaan la isku raacin in la raadiyo si ficil ah sida iska helkaan looga dhigi karo wax maalmo lagu fakado.

Waxaa dhici karta in mid ama labadaba ay go'aan adag qaadan waayaan, bacidna iska dabo wareegaan. Kan waa ehlu marka adduunka.

Si walba ha noqotee dooda waxaa dabogala ficil, wado aan ku yagleelno iska helkeena aan baarno, ama waxaan ma sbaqaynaayaane, aan kalo tagno. Si walba ha noqotee, dooda waxaa xiga ficil.


Sidaas darteed, fikirka insaanka waxaa la dhihi karaa wuxuu u dhacaa sidaan: waa soo dhacay, dood iyo ficil.


Waxaan soo sheegnay inay jirto marwo iyo mudane iska helay, laakin aan iska warqabin, tan waxay dhacdaa marka marwo ama mudane ow dareemo iska hel, laakiin ow dhi karin waa tan, sababo la xiriira dumar badan oo jira, bacdi waxaa tan xiga ma aha, marka laga reebo tan, nafyi iyo ithbat, bacdina ficil, burso ama ka carar, ama labadaba u dhaxay.

Sidaas darteed, insaanka fikirkiisa iyo ficilkiisa labadaas ow u dhacaa, ma ogi laakiin waxaa jira, kan ma aha ee waa kaas, bacdina saan samee ama sidaas, ama waxba, iyo waxaa I haaya, marwo aan iska helnay, tusaale, dood bacidna ficil. Bacdina waa ku celi, waa iska socotaa.


Waxaa xusid mudan, marka la fikiraayo maa wax la samaynaayo markaas lagama warqabo, laakiin wax ka yar ilbiriqsi ka dib waa laga war helaa. Dooda laga doodaayo arintaan aa kalifaysa in meesha wax kale ka soo baxaan, haddii laga xishoodo, arinta meeshay iska taagnaanaysaa ilaa intay ka khusayso ay ka doodaan, bacidna wax suubshaan.

Waxaa kaloo xusid mudan in mar walba hal fikir ama ficil maskaxda haysto. Arintaan sida lagu ogaaday ma aqaan, laakiin hadday jirto, waxay doorbidaysaa in hal wax markiiba xoogga la saaro.

No comments:

Post a Comment