Monday, April 8, 2013

Iimaanka iyo Jishu Zammay

Qofka xukumay caradiisa, iska celiyay raaxada wax kadisa, ka mahad celiyay wanaagga haleelay, u gagsaday wabta hore, waqtigiisa iyo khayraadkiisa u isticmaalay gaaritaanka himilada ow doortay, qofkaas waa geesi, waana Mu'min, waa qof iimaan leh, runsasho.


Waa qof is xukuma. Isxukunka shakhsiga waxaa sal u ah salaadda khushuuca lagu tukaday iyo fanaaga mutlaqa ah, tagitaanka geddiga ah.

Jabaaneeska waxay dhahaan qofka isxukuma jishu-zammay. Ogow tan waxay qayb ka tahay waxa lagu kala tagay, oo lagu kala qurux badnaaday, quruxda midab ma aha, ee waa wax la tacbaday.

Ma fikirka mase ficilka aa qofkaa loo qabtaa? Ninkii ka fikira macsi iyo kan suubshay ma isku dambiyaa? Ma loo qabtoo qofka wuxuu falay? ma waxaa loo qabtaa wuxuu ka fikiray? Waa maya.

Dadka qaarkiis waxay dhahaan waxaad ka fikirtid aad tahay, sababtoo ah waxaas aad suubinaysaa.

Arintaan sax ma aha, qofka wuxuu yahay waa wuxuu runsaday, waxaanaa u jaleeciya wuxuu suubsho, runsashada kuma filna, hadday ku filantahay camal ama shaqo iimaanka ama runsashada mar walba Quraanka isma dabo dhigeen. Marka qofka wuxuu yahay, owna helo wanaag iyo xumaan, waa wuxuu runsaday bacdina ow suubshay.


Ku Dul Fikirka Nafta

Qofka marka wax ku soo dhacaan , qaabkaan aad lacag ku heli kartaa, ama marwadaan waa iska hesheen, ama saanaa lagu gaaray nabad iyo xuriyo iwm, waxaa furmaysa dood, marwada haddaan ka hadalno, waxaa u furan inuu ninka kala hadlo waxaa meesha ku jira, bacdina laga doodo, si daacad ah. Bacidnna waxaa xiga ficil, saw rabo ha noqdee.

Haddii ay saan u dhaco, ninka waxaa u fududaanaaya inuu mar walba ka hadlo waxa niyadiisa ku jira, bacdina wuxuu xaqiiqsanaa nafta raaliyada ah, ayadana raaliga laga yahay. Haddii kale, ow iska aamuso, wuxuu helaa nafta wax eedaysa, ama tan waxa xun farta iwm.

Nafta qofka marka waxay ka dhalataa shaqadiisa. Saasna waaye masiirkiisa. Eedaysada, lawwaamah, markay hayso qofka, asna waa iseedaynaa, dadkana waa eedaynaa. Xummaan fartadana waa sidaas, asna xummaan ow isfaraa, dadkana xummaan ow faraa.











No comments:

Post a Comment