Monday, April 29, 2013

Darajadada koowaad iyo labaad ee wadada oo lagu noqday

Qofka wuxuu arkaa mararka qaarkood inuu is xukumin. Wuxuu leeyahay waxaas aan samaynaa, bacidna wax kale ow samaynaa. Ama wuxuu dareemaa inay wax ka maqanyihiin. Bacdi waxaa laga yaabaa inuu salaadda si fiican u tukado, marka tan aa ka reebaysa xumaanta iyo waxa la inkiro. Dadka qaarkood tan waa ku filantahay.

Quraanka waa daawo, haddana dad waxaa jira ow ku filnayn oo raadsanaaya daawo kale oo ka raadsanaaya dadaan Muslim ahayn. Lama dhihi karo war ma waxaad leedihiin Quraanka nagu ma filna? Waayo kuligeen dhakhtar aan u tagnaa.

Dad kale kuma filna. Marka waxay galaayaan goobgoob. Tan waa wajiga koowaad ee safarka.

Bacdi waxay ku dayaaayaan muraaqabo.

Salaadda bacdi waxy ku daraayaan muraaqabada ama yoogada aan ka hor imaanayn Diint Islaaamka, bal la mid ah tii Nabiga suubiyay markuu ku jiray Buurtii Qaaru Xiraa. Bacdi waxay arkaayaan inuu jiro madax ay ka warqabin oo shaqadiisa iska wata raadkiisa. Bacdi waxay ku qancaanyaan hadday wadadaan ku socdaan inay aakhirka isxukumi karaan.
Tan waa darajadada labaad.





No comments:

Post a Comment