Tuesday, April 9, 2013

Jiritaanka Waa Naf

Jiraha si un ow jiraa. Sidaan ow jiro waxay leedahay magacyo badan.

Waxaa ka mid ah markay sida xoogan u haysato nafta xumaanta farta, النفس الاماره. Amintaan qofka caqligiisa waxaa ku hareersan giraangir culus, marka waxaa la isku dayaa caqligiisa inuu shaqayn, qooqna waa qabanaayaa. Laakiin giraangirta iyo qooqa waa shabeel boombalo ah.

Qofka amintaan wixii dhaqaaqaba waa fiiriniyaa, asagoo isleh amaad waxaad rabtid ka heshaa.


Qaabka looga baxo, waa qofkoo runsada in saan looga bixi karo asagoo qabsada shaqadiisa. Amintaan xoogga saara wixii la isla rabo oo kaliya, waxa kalena iska dhaafa. Saan wax walba waa ku toosaan.

Caqligana amintaan waa shaqeeyaa. Laakiin haddii caqliga wuxuu ku taliyo la raaci waayo, mar kale, nafta xumaanta farta aa meesha qabsanaysa, bacdina waxay horseedaysaa dagaal dadka kale la galo si indho la'aan ah ayadoo la raadinaayo wax macaan, bacdamaa caqliga meesha ka maqanyahay, in la iska dhigo in dadka laga fiicanyahay, ama in la qirto in lagaa fiicanyahay iwm.

Dowradaan, ama giraangirtaan waxaa la dhahaa dowrada caqliga maqanyahay: giraangirta xayawaanka aan caqliga lahayn waa la dhahaa, dad badan, oo qoraagaan ka midyahay, aa mararka qaarkood meeshaan ku gadgadooma.

Qooqa dartiis iyo helid la'aanta wax qanciya, bacdamaa uu caqliga maqanyahay, asagaa farsamo keeni lahaaye, wuxuu qofka noqdaa doofaar, wixii ka soo hor baxaba cuna, ama afka la aada, waa markaan marka qofka aad u malaysid inuu wax cunaayo, wixii ka soo hor baxaba waa u malabsanaa, carabka iyo bushimaha aa dhaqdhaqaaqa, kala sooc ma leh. Waa doofaar.

Bacdi markii uu wax waayo, wuu xanaqaaa markaas ow leeyahay inoo saas iyo saas u fiican maxaan u waayay waxaan rabay, diiq ow iska dhigaa, markuu saas wax ku waayana, wuxuu noqdaa mas, dadka qaniina; dadka ayagana saas ay ku noqonaayaan, marka adduunka  ow arko oo dhan waa masas, doofaaro iyo diiqyaal wada qaylinaaya. Tan waa xayaatada xayawaanka aan caqliga lahayn.  Marka qofka wuxuu noqnaa xayawaan ama ancaam, waxa loogu yeero, ama waa wax la liita.

Saan soo sheegnay, qofka markuu shaqadiisa qabsado, indhihiisa laabo, caqliga waa shaqaynaa; markaas waa inuu caddeeyaa wuxuu rabo, bacdina waddo ow helaa, tusaale ahaan, waa ku riyoonaa, ama waa ku soo dhacay, bacdina waa inuu tijaabiyaa wadadaas. Markaan qofka waa ka xoroobaa xayawaanimada.  Amintaan marka waxaa la dhahaa qofka wuxuu mar kale noqday ilmo Aadan raaya.
Waa markaan markuu qofka noqdo mulhim, wado aa loo furaa, murti aa ku soo dagata, waa la hagaa.

Culumada qaarkood waxay dhahaan murtida waxay ka imaataa culays la saaro caloosha hoose, waa muraaqabo, waa jirtaa arintaan qayb ahaan, waxay kaloo ka imaataa socodka. Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad murti badan, sababtana waxay ahayd socodka lugta ah ee dheer. Adba tijaabi. Haddaad arin xalin wayday, lugay min Xamar ilaa Afgooye ama Balcad, ama Mashiinada lagu lugeeyo ku soco amin badan, geedo ama fiyoorena agtaada dhigo, geedaha waxaad u qabtaa inay ka soo burqato murti.

Dadka qaarkiis waxay isku qabaan inay dadka kale waxba wadaagin, laakiin dadka caqliga badan waxay ogyihiin kuligeen in hal naf nalaga abuuray, nafs al-waaxidah. Kala duwanaanshaha waa mid saldhigtay shaqada ow qof walba soo qabtay, laakiin geddi waa isku mid.

Dumarka, tusaale ahaan, ninkii ula hadla, sida asagoo asaga isla hadlaaya, waxay dumarka u arkaan inuu yahay nin caqli badan, aad iyo ayna u jeclaadaan, waayo, ninkaan wuxuu ka soo qaday inay isku naf leeyihiin, waana tahay, waana sababta kalifaysa in la iscaashaqo. Dadka intooda badan tan waa ka hoos baxdaa, waana wax iska cad.




No comments:

Post a Comment