Daanyeerka takartiisa ma arko, laakiin tan kale ow arkaa. Dadka kalena takartiisa ay arkaan. Sidaas darteed, labada takarba waa la arkaa. Marka labada takar in laga hadlo waa mid meesha ku jirta. Runtiina waa warka ugu xiiisaha badan.
Ragga iyo dumarkana waa iska sidaas. Mid walba wuxuu arkaa takarta kale. Haddaan la wada haldin isafgaranwaaga waa iska dabiici.
Ninka hadduu sheego wuxuu arko, waxaa laga yaabaa inuu isdhaho war waxaan jirin aad sheegtay, maya wuxuu sheegay wax ow ka warqabin laakiin keedaa, oo markay ka fikirto ay leedahay, waa wax jira.
Ayadana marka wuxuu ku dhiiro galiyay inay saas u hadasho, bacdina waxay sheegaysaa wax marka hore ow ku yaabaayo, laakiin markow ka fikiro, ow leeyahay war waxaan waa wax jira.
Arintaan waxay kalifaysaa in mid walba wax cusub barto ow ogayn oo ku saabsan naftiisa. Nuxurka Jacaylka marka waa kaas. Labadaba takartooda ay arkaayaan.
Arintaan waa inay ku dhiiro galisaa, waayo waxa kuula muuqda la yaab qofay agtiisa ka tahay takar, ama naftiisa, ow ka warqabin. Marka loo sheego, qofka waa isbaranaa.
Heer waxaad gaaraysiin inaad sidii hal qof iskula sheekaysatiin. Bacdina labo noqotiin, haddana hal qof noqotiin, aad bacdi saas iskaga gadgadoontiin.
Midnimada waa wehel, waana sababta kalifaysa cishqiga.
Si guud haddaan u hadalnano, qofka siday ula muuqato hadduu uga hadlo, waa sababta kalifaysa dadka kalena inay sidaas u hadlaan, bacdina halkaas waxaa ka dhalanaaya midnimo, aqoon iyo cishqi.
Sababtaas waxaa loo dhahaa xuriyatul qowlka waa muhiim. La'aantiis nolol fiicna ma jirto, waxaa jira jahli, tafaraaruq iyo isnacayb.
No comments:
Post a Comment