Dadka inta badan markay wax samaynaayaan ma oga, markay sameeyaan ka dib, ay waxay leeyihiin maxaan suubinay?
Ka bacdina waxaa furmaysa dood yoolkeeda yahay in la fahmo wixii dhacay .Tan waxay ku fiicantahay in loo dad badsado si loo fahmo wixii dhacay. Doodaan waxay ka bilaabataa magacdhabid. Ka bacdi waxaa xiga ficil ama ficil la'aan.
Yoolka nolosha waxaa loo arki karaa markii meeshaan laga fiiriyo inuu yahay ka hadalkii wixii tagay. Si loo doodo xuriyatul qowl waa lama huraan iyo shuuro ama wadatashi, la'aantood iima muuqato sida garasho ama hal abuur ow ku jiro karo.
Qofka marna waa khasabanyahay, marna waa xor, bacdi waxow dooranaa wadiiqadaan ama taas. Arintaan waxay ka dhalataa salaadda si khushuuca leh, ama bussaaradaysan loo tukado, iyo muraaqabada lagu tagay fanaa, bacidna laga soo laabtay, aan waxba la isku dhajin marka laga reebo wax la isla rabo inta la isla rabo kaliya.
No comments:
Post a Comment