Monday, April 22, 2013

Cutubka Garashada oo lagu kor fikiray

Qofka markow muraaqabada u fariisto, marka hore waa inow dhaqdhaqaaqa jirka joojiyaa. Marka labaadna fikirka iyo dareenka, marka saddexaadna waxyaabaha soo dhacaaya. Marka qofka dhamaysto muraaqabada, wadwadkaan lidkiis aa dhacaaya: soo dhicitaan, ka fikir iyo dhaqdhaqaaq.

Runtii dhaqdhaqaaqa jirka iyo fikirka waa isku xiran yihiin. Mid haddow istaago, midka kalena waa istaagaa. Tijaabi, gaddacad u jiifo, bacdina ha dhaqdhaqaaqin, haba yaraatee, fikirka aa istaagaaya, ama hal fikir aad iska dhex dagaysaa, bacdina waxaad gaaraysaa mar ay waxba kugu soo dhacayn.

Labo qof markay iska helaan, saan soo sheegnay, marka hore aritnaan ma oga, bacdi waxaan dhacay waa iskaga farxaayaan.

Bacdi, marka miyirkooda soo noqdo waxay leeyihiin, waxaan wax raaya, marka aan isaroosno, bacdi waa is aroosaayaan.

Marka waa soo dhacdo, dhab ka dhig ama ka soco waxaan wax raaya ma ahane, midday doonto ha noqotee, ficil aa xiga: isaroosa ama kala tagga, waxa u dhexeeya waa tiih.

Bacdina waa dhammaatay.


Dadka qaarkood go'aan laawayaal waaye, marka waxay ku jiraan tiih, aroos ha aroosin, haddana aroos ha aroosin, Ilaahow naga kori, angana waa go'aan cad iyo ficil. Tiih ha galin.

Marka, nolosha oo dhan saddexdaas ay u dhacdaa, marka laga hadlaayo garashada.



No comments:

Post a Comment