Dhanka dareenka aan u iishaa, marka waxaan ahay bashaash. Dad badan waxay is dhahaan ku kor socda. Marka waxaan bartay inaan dadka yac iska dhaho sida aan yac isku dhaho markaan arko anoo isku xadgudbaaya, sida aniga oo koob markaan miiska saaraayo ku dhufta, bacdina sawaxan abuura.
Dadku asal ahaan waa hal naf.
Waa saas oo kale dhanka ilhaamka iyo dareemayaasha, isdhexjoogga iyo banaan aadowga iyo go'aan adayga iyo baarbaarowga.
Baadigoobka waa wadada Dhexe.
Go'aan laawanimo waa u iishaa, marka dhanka go'aan qaadashada aan ku jimicsadaa si aan wadada cad cagta u saaro. Saas oo kale waxaan la taaban karin, dhanka wax la taaban karo, kalyaalenimo dhanka bulshaawanimada.
Qofka markaan wuxuu cagta saaray wadada dhexe, wuxuu u nugulyahay inuu mar walba qaado wadada dhexe. Naftiisa markaan waxay noqotay rabbaayad.
Darajadaa lixaad, waa tan shanaad oo kale, qofka wadada dhex oo wado rasmi ah noqotay.
Qofka markow fakiraayo, oo sheeko madaxiisa ay ka socoto,markow fakirayn isku mid ma aha.
Yoolka muraaqabada waa xukumidda fikirka ama waxa ka socda madaxaaga. Amin waxaa jirta dhacaysa oo fikir jirin, madaxaagana wuxuu noqonaa eber. Amintaan waa darajada sagaalaad. Walow runtii ay ahayn maxaa dhacay dheh wadada cad inaad cagta saartid, waa tan dhexee, waxaa dowr shariif ah ka ciyaaray fakir la'aanta oo ka dhalatay muraaqabada. Haddana waxaa la dhihi karaa wa darajo ka mid ah darajooyinka ay naawilaan socotada.
No comments:
Post a Comment