Monday, April 1, 2013

Ka warqab la'aanta fikirka, ficilka iyo saamayntiisa

Waxaan soo sheegnay qofka inuu ka warqabin wuxuu hadda samaynaayo ama sheegaayo, laakiin miriro ka dib waa ka war helaayaa.

Waxaa dhacay nin aan saaxiibo nahay oo guur doon ah inuu la kulmay gabar ka heshay, asagana ow ka helay, bacdi waxaa ku soo dhacday, war gabadha taleefanka ka qaado. Haddana waxaa ku soo dhacday, maya iska dhaaf. Isla markiina wuxuu iskaga mashquulay howlo kale.

Sida cad wuxuu ku shaqeeyay codkii dhahay iskaga tag. Laakiin sidaas kama warqabin, ilaa uu ka fikiray. Sidaas darteed, Suufiyada waxay dhahaan markay wax fiican kugu soo dhacaan, horay ka samee, saasna caado ka dhigo, si wax fiican aad u qabatid adoon ogayn.


 


No comments:

Post a Comment