Ixda al- Xusnayayn, أحدا الحسنىىن, labada fiican midkood, waxaa loo fasiran karaa Janada aakhiro iyo midda aduunyo. Adduunyada inaad nolol fiican ku noolaatid waxay xoojinaysa runsashadaada midda dambe.
Dhaliyayaasha waa isku mid.
Adduunyada aan joogno dadaa naar adduunyo ku jira, kuwana Janno adduunyo.
Ahlu naarka adduunka wixii dhaqaaqaaqaba Ishay la raacaayaan, calashaan waa rabnaa waaye. Waxay rabaan, laakiin, waxay shaqaysan.
Markay waayaanna, dadka ay dhibaato la dabo galaayaan, ayagana waa isdhibaataynaayaan .
Ama waa isqaadqaadaayaan.
Shaydaanka waxyaabaha ow adeegsado si uu ehlu naar kaaga dhigo waxaa ka mid inuu hurdada kaa mashquuliyo ama kuu kharaariyo markaad waqtiga haysid, markaadan waqtiga hayna hurdo kugu rido.
Intaad Ilaahay dartiis aad wax u wadwadid wax awood ah ama xujo ah kuguma laha.
Qofka wuxuu leeyahay baahi iyo himilooyin aan ka hor imaanayn kuwa Diinta Islaamka, sida bir tumidda, iyo mualifnimada, howshaas hadduu Ilaahay dartiis u suubsho, naftigeeda waa ku Janno taggaayaa. Si tan u dhacdana qofka waa inuu iska dhafaa maalayacniga.
Runtii ma adka In la galo Janada adduunyo. Aadan CS waxaa lagu yiri geedkaan ha cunin, waa cunay. Marka laga soo dajiyayna waxaa lagu yiri haddii tilmaan dhankayga idinkaga imaato, qofkii raaca tilmaantayda ma dhummaayo mana guul daraysanaayo.
Tilmaanta waa labo midda Diinta ah iyo mid dabiici ah oo qofka ku beeran. Middaan waxay u baahantahay inay shaqayso inaad iska dhaaftid waxa lagu yiri Iska dhaaf ama aad ogtahay inay tahay in la iska dhaafo.
Waxaa lagaaga baahanyahay dadaal. Asto kale waxay leedahay: kuwii ku dadaala dhexdeena, waxaan ku hanuuninaynaa wadooyinkeena، والذين جاهدوا فينا لنهدينهم سبلنا.
Arimaha adduunyada ujeedo cad haddaad leedahay oo mudaysan, oy kaa go'antahay, wado waa helaysaa, waa lagugu toosinaa.
No comments:
Post a Comment