Ninka hadda ka hor la fadhiya marwo qurux badan, raashin iyo cabitaan tiro badan, meel raaxo jooga, aa wuxuu dhahay waxaa Iga maqan. Amintaan waxaa la dhahaa bilowga baadigoobka. Suufiyada waxay dhahaan waa dariiqo doon.
Bacdi wuxuu bilaabaa, ma dhahnaa, inuu muraaqabeeyo. Wuxuu bacdi arkaa astooyin tusaaya in wadiiqadaan ow ku gaaro karo waxa ka maqan.
Darajadaada saddexaad qofka waxow himbiririqsanaa waxow raadinaayay.
Darajadada afaraad qofka waa qabanaa, laakiin waa ka fakfakanaysaa.
Darajada shanaad waa u xasilaysaa, bacdi waa kor dagaa.
Darajada lixaad gurigiisa ow ku tagaa ama waa ku dan garaa.
Darajada 7aad adiga iyo waxaad abadi goobaysay waxaad noqoteen hal.
Darajada sideedaad, adigana saad muraaqabada ugu jirtid waa
Iswaynaysaa.
Darajada sagaalaad, waa soo noqonaysaa, adoo markaan sawir ka haysta meeshaad ka timid.
Waxaad ku baraarugaysaa dabayl socota, shimbiro heesaaya iwm.
Darajada 10aad, qofka bulshadiisa ow iska dhexgalaa, asagoo leh waxba igama galin, haddana bulshada u qabanaayo wuxuu awoodo.
No comments:
Post a Comment