Dabeecado aan fiicnayn aa laga yaabaa inaad leedahay, mid ka mid ah qaababka dabeecadahaan looga gudbi karo waa fanaaga geddi ah, deganaanshaha geddi ah, فنا مطلق, iyo deganaanshaha soo jeeda, ama fanaa iijaabi, فناايجاب. Tagitaanka ka dib qofka waxaa u baryaaya waa cusub, sidii beertii ow markaan isku falan karaa, si bacdi ay ubax qurux badan u soo saarto. Yoolka nolosha waxaa la dhahaa waa in la shaqaysto Janno, in Janno adduun la galana, ma aha mid meesha ka maran.
Iskorjoogtaynta ama muraaqabada marka laga gaaro daganaansho buuxa, qofka waxay ka dhigtaa nadiif, sidaas darteed , wuxuu noqdaa nadiif. Salaadda marka si fiican loo tukadana waa sidaas, walow dadka qaarkood ay muraaqabo u baahan yihiin.
Qofka markuu ku jiro xasiloonida buuxda waqtiga waa hadda iyo hadda, waqti kale ma jiro. Waqti hore iyo mid dambe ma jiro, waa hadda. Marka qofka uu dagaalka ku jirina waa sidaas iyo arimaha kale ee halista ah, qofka kama fikiro wixii tagay iyo waxa soo socda. Qof cabbaar ka hor noolaa, hadda ma noola. Ardayga markuu imtixaan ku jirina waa sidaas.
Dad badan aa ku dooday in waqtiga oo dhan yahay hadda, inta kalena ay yihiin hadda tagtay iyo hadda soo socota.
Sidaas darteed, qofka waqti yar wax qabsadaa, haddana wax kale oo yar, haddana sidaas, qofkaas aa shaqo fiican qabsaday. Wuxuu ka macaashay hadda.
Waxaan jirnaa oo kaliya hadda, ma jirno sanadkii hore, waa tagay, kan soo socdana wali lama gaarin, markii la gaarana wuxuu noqonaa hadda, wixii jirayna waxay ahaayeen haddaa oo miiran. Amintaan joogta aan jirnaa. Arintaan waa murti qoto dheer.

No comments:
Post a Comment