Tuesday, April 2, 2013

Ku kor fikirka cutubka 10aad

Nuxurka cutubka 10aad, sidaan u arko, waa wax ku soo dhacaaya qofka, waxaan waxay leeyihiin waji guud, ma aha mid khaas ah.

Tusaale, gabar qurux badan aa saddex nin qol ugu soo gashay, bacdina waxay la dhacday mid ka mid ah, waxay ogtahay arintaan, laakiim ma oga midkuu yahay. Waa wax guud, ma aha arin khaas ah.

Haddii labo ka mid ah yihiin Soomaali, laakiin mid yahay Carab, waxa laga yaabaa inay ku soo dhacdo nin Soomaali ah aad isla dhacdeen, laakiin wali ma oga midkuu yahay.

Rag farobadan aa ka macaasha arintaan, waayo, marka aysan wali caddaysan ay sheekada bilaabaan, hooyada dabiiciga ah waxay door biddaa geesiga, waa tan sababta saas loogu maahmaaho. Ninka laga helay oon geesiga ahayn, rag kale aa booskiisa buuxinaaya, ilaa uu ka barto inuu ilqbiriqsiga hore ka hadlo waxa maankiisa ku jira ee fiican.

Gabadha marka waa ka fikiraysaa, waxay leedahay, nin aan ka helay, laakiin ma aqaan ninkuu yahay. Bacdi waxay bilaabaysaa inay baarto, waxaana laga yabaa inay dhahdo waa kan, sax iyo khalad. Inay ka fikirto inay nin iska haleen, waa arin dabiici ah, laakiin inay baarto ma aha, waa in arin u baahan dadaal.


Si walba ha noqotee, tan waa marxaladda labaad ee maskaxada. Dadka qaarkiis waxaa laga yabaa inay waxaan ku soo dhacaan, laakiin ay baarin.

Laakiin hadday baarto, waxay leedahay, labadaan ma aha, ee waa kan. U fiirso, labo shaqo ay qabatay, inay dhahday, labadaan ma aha, nafyi aa tan af carabiga lagu dhahaa. Waxay kaloo tiri, waa kan, tan dambe waxaa la dhahaa ithbaat, isbaat, waa sugtay, waxay tiri waa kan.

Saddexdaas marxalo ow fikirka maraa, wax guud, ma aha kan iyo waa kan.

Waxaa kaloo dhici karta sidaan. Kow, Marwo aa qooqday, waa wax horay ugu soo dhacay, bacdi waa ka dooday; saddex, waxay garwaaqsatay inay jimicsato, waayo jimicsiga qooqa waa yareeyaa, sababtana waa mid macruuf ah khubarada agtooda, haddaan fursad helno waa ka xikaayoonaynaa. Dagdag, dood bacdina ficil. Saad arkaysid howsha waxay ku dhammaataa ficil. Haddii kale qofka wuxuu galaayaa ma dhammaato.

Waxaan soo sheegnay mucaashiqiintii kulmay, ogaana inay iska haleen, laakiin, kala tagay. Mid ka mid ah waxaa ku soo dhacday, war marwada macluumaad waydsiio, laakiin waa cararay. Cagahiisa ow ku hadlay. Marka waa u jeednaa fikraddii hore, waxaa ku soo dhacay, waa ka dooday, la hadal iyo hala hadlin, bacdina wuxuu goostay inuu cararo.

Marka sheekada maskaxda waxay u dhacdaa sidaan. Kow, wax guud aa kugu soo dhacaaaya ama aad dareemaysaa, maya kaas ma aha, bacdina waa kan. Labo, waxaa ku qabanaaya, qabato, dhexdhexaadin aad galaysaa ama gar, maya saan ma aha iyo waa asaas, bacdina waxaad leedahay waa kan, wax la taaban karo ama la dareemi karo aad keenaysaa.





No comments:

Post a Comment