Janada markuu Aadan ku jiray ma arki jirin cowrada Xaawo; Laakiin haddana waa kala duwanaayeen. Janada marka waa meel ay ka jirto kala duwanaansho iyo midnimo labadaba.
Bal ka soo qaad adoo ay marwo kula socoto qaawan oo aadan arkayn. Haddii aad sidaan samayn kartid waxaad dib u abuuraysaa duruufihii owowgaa, Aadan intaan loo soo dhaadhicin ka hor. Waa run qotodheer.
Mar aan dhiganaayay Kolleej ku taala magaalada Minniyaabolis, aa waxaan bartay dhibka insaanka ka soo burqado rabitaanka, waxaan isdhahay rabitaanka ugu wayn waa dumarka, marka iska dhaaf, si dhibka kaaga istaago. Bacdi dhibkii waa i dhaafay, walow mararka qaarkood u sii darsaday, oon helay tabar badan, tabartaan waxaan isku geeyay waxbarasho.
Anoo saan ku jira aa marwo qurux badan marar badan I tiri maxaad leedahay.
Maalin maalmaha ka mid ah, marwo shaah karisa aan shaah ka gatay, bacdi waxay igu tiri ma kuugu daraa candhuuftayda. Waxaan iska iri ku dar. Waa ku dartay. Waa iska cabbay. Dan kama galin.
Dhabarkeeda ay qaawisay dan kama galin. Marwo kale aa I soo ag fariisaty, oo sheeko dheer ii gashay. Marka gadaal dambe ay shaah karisadii igu dhahday waxaan damcay inaan dhaho iska dhaaf ninkaan, haddana waxaan isdhahay yaa tahay adiga? Waa ka socday.
Habeen jimco ah anoo hoyan raba, waxay igu tiri ha tagin caawa waxaa jira. Dad badan aa maqlaayay, waxaan dhahay war waa iska tagaayaa. Bacdi waxay igu dhahday balan aad leedahay. Habeenkaa aa shaqada ugu dambaysay.
Waa ku dhacday marka. Ninka markuu marwada rabin, ayadaa rabta, waxay suubinee wuxuu suubin lahaa, asagana wuxuu suubinaa waxay ayada suubin lahayd, diidmo.
Haddii marwada mudanaha la mid noqoto, ayadana ay iska dhaafto qancinta rabitaankeeda, iskuma arkaayaan inay nin iyo naag kala yihiin, xittaa hadday qaawan yihiin. Waxay aad ugu dhawaanaayaan duruufihii Aadan iyo Xaawo.
Duruufaha noocaan oo kale markay jiraan dadka kama warqabaan inay kala duwanyihiin. Waxayna aad ugu dhowyihiin kuwii Aadan iyo Xaawo, sida la soo magacdhabay.
Duruufahaan waxaa liddi ku ah markuu jiro rabitaan, noocuu doono ha noqdee, ama karaahiyo. Labadaba waxay dhaliyaan in la bilaabo in laga warqabo kala duwanaanshaha.
Aadan markuu damcay waaritaan, waa markaas marka laga faaidaystay. Ibliis wuxuu ku dhahay cun geedkaan si aad u waartid una heshid boqortooyo aan baaliyoobeen.
Wax allaale iyo wuxuu rabay waa haystay, wax ka maqan ma jirin, marka lagu daro waaritaan, laakiin waxaa ku xirnaa shardi, waxaan ha samayn. Walina waa sidii, iska daa waxaan la isla rabin, wixii la isla rabana iska qaado, markaas ma jiraayo rabitaan hal dhinacle ah, Isha dhibka.
Qofka hadduu wax rabo, sida Aadan, waairtaan iyo boqortooyo aan baaliyoobeen, waxaa waajib ah inuu tacbado waxaas: waxaa waajib ah inaad abuurtid duruufo iyo dhaliyayaal dhaliya inaad heshid waxaad rabtid.
Ogow halgankaan intaad ku jirtid shaydaanka xaq ow leeyahay inuu ku qaso marka laga reebo markaad Ilaahay dartiis wax u wadid. Ma dhihi kartid shaydaan inuu qaso ma aha mid meesha ku jirta, asagoo faragalin wada waa inaad tacbataa waxaad rabtay, ama iska dhaaftaa. Wanaag iyo dhibaato, xusuuso, waxay ka dhalanaayaan waxaad tacbatid, ama kasbatid. Si ubax kuugu soo baxo, tacbo.
Intaad Ilaahay dartiis wax u wadwadin, shaydaanka xaqquu u leeyahay inuu ku arbusho. Hadday sidaas tahay, waxaa iska cad Shaydaanka inuu shaqo fiican haayo, waxaana laga yabaa inay tahay sababta loogu kaadiyay, si ow u dhib kuwa Ilaahay dartiis aan wax u wadin.
Waxaa laga yaabaa inaad dhahdid, war lacag haddaan shaqaysanaayo ka waran, oon calooshayda u xamaalanaayo, shaydaanka ma xaq uu leeyahay inuu I dhibo? Ujeedada ay ku xirantahay. Haddii ay kaa tahay caloosha buuxso si aad Ilaaahay dartiis wax ugu naawishid, shaydaan wado kuguma haysto, haddii kale waa kugu haystaa, bacidna waa ku arbushaa.
Markii Aadan loo soo dajiyay adduunka,
waxaa lagu yiri tilmaan aa la idin keenaa, qofkii raaca, ma dhumaayo, mana laga adkaanaayo.
Laakiin kuwaan tilmaanta raacin, waxay isku noqonaayaan cadow, waxayna ku jiraan dunidii iska hor imaadka. Duniadaan insaanka ma arko midnimada ka dhaxaysa.
Guulaystaha marka waa qof ka tilmaansaday tilmaanta uga timid xagga barbaariyihiisa. Wuxuu ku jiraa Janadii adduunyada, bacdi dadkoo dhan wuxuu ila dhaqmaa sida inay yihiin hal qof, ma arko xumaantooda, wadadaas ow ku jihaadaayaa. Hadduu noolaadana wuxuu ku noolaanaa nolol fiican, hadduu dhintayna nolol ka sii fiican, Eebe idamkiis.
Qofkii tilmaansan waaya, marka la tilaamo, waxuu galaayaa nolol ciriiri ah.
No comments:
Post a Comment