Tuesday, April 2, 2013

Astaamaha Adduunka horseeda naarta adduunyo iyo midda aakhiro.

Adduunka wuxuu ku jiraa isbalaarin joogto ah, sidaas darteed, isbalaarin joogto ah aa jirta; ma aha marna inay joogsato isbalaarinta, ama ishoraymarinta. Runtii arintaan wax lagu farxay waaye.  Garashada arintaan waxay kalifaysaa qofka walba inuu isilaaliyo, islamarkaasna iska galo isbalaarin joogto, taqadum.

Tan waa sababta diinta Islaamka kala saraynta ugu salaysay isilaalinta. Waana sababta diimaha waxa u eg qaaradda Hindiga loo fasho isilaalinta. Dhinacyo badan ayna u dhacdaa. Waxaa ka mid ah ka fikiridda waxa ku haaya, ama kugu soo dhacay, magabdhabidda, iyo u socoshada caynkaa.

Dad waxaa jira markuu aamuskooda bato, ama warkooduba uu badanyahay, indhaha kal hadla, oo dadka dhaha anaa kaa fiican, ama waxaan mudanahay maxaan u heli waayay, ama aflagaadeeya, intaas oo dhan intay wadaan isma oga, waxay marka ku yaabaayaan, markay dadka kale sidaas ku suubshaan. Bacdian meeshaas waxaa ka dhaca dagaalo aan dhammaan, oo dadka ku jira oo dhan dhibaato u gaysta. Marka haddaad isilaalisid, dagaalkaas banaanka aad ka joogi kartaa.

Qaabka ugu fiican ood isku ilaalin kartid waa inaad daashaa, shaqadaada ku daal, tacbashada nooli iyo hadafka shishe.

Qofka fiirinta u fiirinaayo raashin meel yaala waxay na tusaayaan inuu rabo raashinka, khaasatan markuu ku celceliyo fiirmadiisa. Sidaas darteed, waxaa la gudboon inuu raashinka gato ama iska dhaafo. Waxa ka dhaxeeya waa naar.

Waxaa jira mararka qaarkood naf kugu xambaaraysa xumaan, iyo inaad gaarin ahdaaftaada, marka tan difaac inaad gashid ilaa ad ka adkaatid, bacdina aad meesha ka saartid.

Siday joogtada u tahay isbalaarinta, waxaa joogto ah isku durqidda, makra xoogga isbalaarinta waa inay ka adkaadaan xoogga doonaaya in gadaal loo socdo, dagaalkaaan waa joogto, mirir walba waa socdaa. Waa in si joogto ah loogu adkaadaa dagaalkaan.

Adam markuu Janada ku jiray, wuxuu isdhahay amaa meeshana ku waari waysaa, waa midaas midduu Shaydaanka ka macaashay, markuu dhahay geedkaan cun si aad u waartid una heshid boqortooyo ana baaliyoobeen.

Waxaa laga yabaa dadka inay galaan janada aduunyada, ama farxadda buuxda ee adduunyada, oon wax xanuun ah ama dhib ah ay jirin, markuu subac dhagaystay ka dib, kana fikiray, waxaa laga yabaa in uu isdhaho dhagaysigaan iska dhaaf, ee meelo kale ka raadi wax macaan, bacdina uu galo meel ka liidata. Maqaam fiican markaad ku jirtid, iskaga qanac, waa kugu filantahay. Waxaadan shaqaysan u hangal taagin.
 

No comments:

Post a Comment