Monday, March 25, 2013

Xujada Suufiyada: Haddaad la Midowday Nafs Al-Waaxihad, si Macquul ah uga Waran

Dumarkii hore ee Soomaalida markay ninka rabaan inay guursadaan waa jarribi jireen, sida sheekooyinka qaarkood laga fasiran karo, hadday marwo suuq leh ahayd, sababo la xiriira qurxdeeda, ama sababo kale oo noocaas ah.

Xujada inta badan ma falanto haddii aad si toos ah uga jawaabtid. Waxay u baahantahay inaad  ka fiirsatid jawaabtaada. Khuburada waxay dhahaan uga fikir eray iyo eray.  Dadka muraaqabada suubiyana ama korjoogtada ama khilaaawada, waa suufiyadee ama kuwa kale, waxay dhahaan eray eray uga uga fiirso adoo ku dhawaaqaaya, inta neefta aad isku celisay aad tartiib tartiib u saaraysid, adoo maraaya sidii aan soo jeedanay.

Intuu qofka muraaqabaynaayo, ama iskorjoogtaynaayo, wuxuu la kulmaayaa xaalado kala gadisan, oo qaarkood ow ogaanaayo markay tagaan, sida riyada oo kale. Ardayda Suufiyada, iyo kuwo kale, waxaa lagu xujeeyaa inay waayoaragnimadooda inay is macquul ah uga hadlaan, khaasatan markay la midoobaan naftii hore, oo geddigeen nalaga wada abuuray, waa nafta la dhaho al-nafsul al-waaxidah. Ka waranka nafraan si macquul ah waa xujuda haysata Suufiyada iyo kuwo kale oo Suufiyada la midka ah oo arimaha noocaan ah naawila.


No comments:

Post a Comment