Wednesday, March 13, 2013

Diiradda Saar Meel ka Hoosaysa 2-3 Suul Xudunta

isha sawirka: eatw.org
Dad badan markay bilaabaan inay maruaaqabeeyaan waxay ka sheegtaan cadaadisyo soo koraaya, meelo ka mid ah jirkooda. Guud ahana qofka inuu u fariisto waaye, una neefsado siyaabaha lagu taliyay, oon soo sheegnay. Haddana waa inuu diiradda saaraa meel labo ilaa saddex suul ka hoosaysa xudunta. Culayska xudunta hoosteeda la saaro mar walba waa fiicanyahay, sababtoo ah wuxuu u qaaraamaa daganaasho xagga jirka iyo mid xagga maskaxada ah.

Mararka qaarkood haddaad cadaadiyo ka dareentid jirka qaybtiisa kore, diiradda saar xudunta meel ka hoosaysa labo ilaa saddex suul, meeshaas aa si fiican u xamili karta cadaadisyada.

No comments:

Post a Comment