Ninaan saaxiibo nahay aa hadda ka hor ii sheegay qisadaan. Wuxuu dhahay waxaa ku dhex jiray fasal, bacdi howl aan ku mashquul sanaa, marwo meesha joogta aa foolatay, bacdi waa lala cararay, waxaas oo dhan kama warqabin. Tan waxay tusaale ka tahay tagitaan ama fana, qofkii ma joogo, waayo haduu joogo wuxuu ka warqabi lahaa waxa agtiisa ka socday.
Mar waxaa jirta qofka uu ka warqabin waxa agtiisa ka socda, bacdi banaanka kuma mashquulsana sida ninkii kor lagu xusay wax asaga ka baxsan, laakiin asagaa isku mashquulsan. Tan waxay dhacdaa marka qofka muraaqabadiisa ay meel sare gaarto. Tan waxaa la dhahhaa fanaa mutlaqa ah, tagitaanka geddiga ah. Kii horena waxaa la dhahaa ka iijaabiga ah.
Kan dambe aa saldhig u ah kan hore, waa u kaariko.
No comments:
Post a Comment