Tuesday, March 26, 2013

Sababaha Dhaliya Ilhaamka

Marar waxaa jira aa tahay mulhim, waxaas iska helaysaa afkaar tayo leh.

Waa inaad ismarisid, noqotid wax maran. Labo wadiiqo aan aqaan, socod dheer, Xamar ilaa Afgooye u kala lugay, ama iwm, iyo muraaqabo. Ama labadaba isku dar.Marna socod, marna fadhi, ama mid un iska naawil.

Ku lar inaad ka soo qaaday inaad heshay waxaad rabtay, bacdina iswaydii sidaad ku heshay, adoo maraaya wadiiqooyinka horseeda marnaanshaha.

Maxaan ahay? Waa su'aal soo noqnoqota. Jawaabta waa nafsul al-waaxidah, خلقم من نفس واحده، waa Aayad Quraan ah. Waa naftaan marka middan nahay.

Qofka markuu fanaa ku jiro, muraaqabada dhexdeeda, iskama warqabo, amintaan wuxuu ku waayo aragoobay naftii hore , laakiin kama warqabo, bacdi mar dambe ay ku soo maaxanaysaa, wuxuu ahaa asalkiisa, qayb ka mid ah Ilaahay, ilayn ruuxda waa qayb ka mid ah Ilaahay.

Suufiyada waxay dhahaan marka qofka fana ku jiro, waa tagay, wuxuu ku dhex safraa Ilaahay, fana fil laah. Amintaan wuxuu noqday qayb Ilaahay ka mid ah, oo ah meeshii uu ka yimid, saas aa loo dhahaa inaa lilaah, waa inaa ilayhi raajicuun.

Haddaa suul tahay, ma tihid qofka, laakiin qofka qayb ka mid ah aa tahay. Waa kaas xiriirka ka dhexeeya Ilaahay iyo qofka adamiga ah. Sidaas darteed aa loo dhahaa qofka Ilaahay wuxuu uga yahay adduunka Khaliif, wakiil.

Isha sawirka: rumibook.info

No comments:

Post a Comment