Cadaadisyo badan oo qofka soo koraaya aa jira, mararka qaarkood, siyaabo badan ow iskaga dajin karaa, mid waa socod dheer, Xamar ilaa Afgooye ama Balcad, tusaale ahaan, ama saacad ilaa labo saac oo socod ah, iwm.
Waxaa kaloo lagu xalin karaa adoo la tashada dadka arinta ku haysta aqoon u leh.
Waxaa lagu xalin karaa inaad Ilaahay ka barisid inuu kaa qaado, adoo qabanaaya shaqo fiican. Waxaa kaloo la iskaga dajin karaa qaabka muraaqabada aan soo sheegnay, taasoo, hadaad ku guulaysatid kuu sahlaysa inaad iska dajisid, bacdina waxaa ku soo banbaxaysa fitradaadii lawada yaqaanay.Dadyow badan ay arintaan u dhabowday, markaad aragtid waa iska garanaysaa, waa shay macruuf ah.
Dadkoo dhan ka soo qaad hal naf, taada, ula dhaqan geddi sidaad jeceshahay in laguula dhaqmo. Waxna ha nicin, waxna ha jeclaan, marka laga reebo wax la israbo. Wixii xun waxaad ka qaban kartid ka qabo, inta kalena ka soco. Markaad saan suubisid waa marnaanaysaa, waxna kuma mashquulsanid.
I
Source of the picture: afghanland.com
No comments:
Post a Comment