Tagitaanka furan, ama fanaa mudlaq, waa jaarjar ama
kaarikeeyaha xuriyadda, xor laga noqonaayo cadaadisyada nafta, khaasatan kuwa
aan fiicnayn ee kugu riixaaya xumaanta.
Waxaa jira labo digtoonaan ama dhiifoonaan. Mid waa
diiradaysan tahay, sida qofka baabuurka wada oo hortiisa fiirinaaya, midna waa mid
baahsan, waa qofka baabuurka wada, oo fiirinaaya gadaal iyo geesaha iyo meesha
fog. Labadaan digtoonaan isku mid ma aha.
Qofk markuu neeftiisa tirinaayo, waa inuu neefta
ilaaliyaa iyo tirada; digtoonaanta noocaan ah waxay la mid tahay labada
digtoonaan oo horay loo soo magacdhabay.
Qofka markuu ku guulaysto inuu tiriyo neeftiisa, wuxuu yeelanayaaya
labada digtoonaan, inuu ka war haayo neef walba, tirsigana uu iloobin.
Taas waxaa la mid ah shaqada, inuu qofka shaqada mid
walba uu digtoonaan siiyo, uuna iloobin waxa shaqo walba ay u adeegayso, si
markaas uu iskaga ilaaliyo inuu waxaan loo baahnayn iska wadwado.
Sida caadiga markaan sidaan soo xusnay inuu neefsado, bacdina aan si fiican u tiriyo waxaa I gasha kalsooni ah inaan shaqo I xuraysa inaan qabsan karo.
No comments:
Post a Comment