Saturday, March 23, 2013

Waxba ma soo dhacaayaan fikirna ma Jiro

Habar Jeclo, waxaa la dhahaa, gadaalay ka gocotaa. Macnaha waxaa waaye markaas warka la sheegay kama fikirin. Gadaal dambe uu ka fikiray, baxdaa waxaa ku soo dhacaysa saan ama saas suubi. Marka waxaa la dhihi karaa markii la dhahay warka fikirka waa maqnaa, gadaal dambe uu ka yimid. Runtii insaaniyda oo dhan aa saas ah, ee ma aha wax beesha u gaar ah, ama saas waxaa ah qayb insaaniyda ka mid ah.

Amin marka waxaa jirta qofka intuu u fadhiyo muraaqabada uu fakirayn wax ku soo dhacaayana ay jirin. Gocosho ma jirto.

Maalin maalmaha ka mid ah aan muraaqabooday, korjoogto aan sameeyay, bacdi waxaan ku soo baxay sawirkaan tareenada laga raaco,bacdi waxaa igu soo dhacday war quruxbadanaa. Runtii waxa quruxbadnaa waxay ahayd xaaddii aan ku jiray, ee ma ahayn biraha, mase biraha ay ahaayeen?
Ninkii aan soo sheegnay oo marwada ay ah umushay, aan la warqabin, waa tagsanaa, ma joogin, laakiin waxaa jirta marar sidaan oo kale oo howl ugu mashquulaayo, laakiin haddana ka warqabo waxa agtiisa ka socda, bacdina haddii loo baahdo jawaab ka bixin kara.

Xuriyaddaan waxaa ka walax ah inuu isnoqdo, naftii hore oo qadiimka ahayd, nafs alwaaxidah. Amintaan iskama warqabo, laakiin dad kale waa ka warqabi karaan, asagana markuu xaaladaan ka baxo, ow is ogaan karaa.


Source of the metro station picture: www.flicker.com




No comments:

Post a Comment