Adan, CS, wuxuu ahaa naftii gedigeen nalaga abuuray, bacdina waxaa nalaga dhigay noocyo, caynan. Mid ka mid noocyadaas waa wali, ama waxa afka carabiga lagu dhaho, ما زال, wali waa sidii.
Maalin maalmaha ka ka mid ah anigoo muraaqabo ku jira, waxaan ka xusuustaa, dhaqdhaqaaq ma jiro, waa surnaa. Fikir ma socon, wax jiray ma jirin. Amintaas ka warqab ma jirin, laakiin waxaan oo dhan waxaan ogaaday markaan dib u fiiriyay.
Cayn ka mid ah naftii hore waa wali. Dadka qaarkiis waxay dhahaan xawaaraha ay ku socoto aa aad u sareeya, waxaad u qabtaa inay taagantahay.
Mid kalena waa dhaqdhaqaaq, oo ah mabda' ama bilow ka soo horjeeda wali. Sidaas darteed, midna wuxuu ku qurux badnaadaa markuu ciyaaro ciyaaraha karatayga oo kale, midna fadhiga aan nuuxnuuxsiga lahayn. Mid walba waxaa u fudud wixii loo abuuray.
Waxa qofka uu ka hadlaayo waxay dadka qanciyaan markay rumaysan karaan, taas waxay ka dhalanaysaa waxa uu dareensiinaayo.
Marka waa inuu maqaamkaas dareensanyahay, si uu u dareensiiyo dadka.
Marka Aadan wuxuu lahaa cadow, Ibliis.
Waana siray, oo wuxuu ku dhahay, cun geedkaan waa geedkii waaritaanka iyo boqortooyo aan baaliyoobeen.
Markay cuneena, cawradoodii aa isku muuqatay, bacdina waxay bilaabeen inay isku qariyaan laamihii janada.
Ibliis intaas kuma harin, ee wuxuu dhahay howsha dhuminta waa sii wadaayaa, marka laga reebo kuwa adiga kaliya wax kuu wadwada, mukhlisiin.
Marka Ilaahay dartiis markaan wax loo wadwadin, waa markaad marka Ibliis weerarka culus soo qaado.
Garwaaqsiga inuu Ibliis shaqo ku jiro wuxuu kalifaayaa inaad iska dhicisid. Khaasatan inaad iska ilaalisid khiyaanada Ibliis.
Aadan markii ow sameeyay wixii la dhahay ha samayn, waxaa bilaabatay inuu arko xumaan, sida cowrada, bacdina wuxuu bilaabay dadow.
Aminta fanaa iyo xaaladdii uu Aadan ku jiray, intuu cunin geedkii ha cunin la dhahay, waxay iskaga mid yihiin ka warqab la'aanta waxa jira, sida in la qaawanyahay.
Qofka markuu fanaa ka soo baxsan waa qurux badnaadaa, waana farxaa. Dhankaasna waa iskaga mid.
No comments:
Post a Comment