Thursday, March 28, 2013

Dabeecadaha Insaanka waxaa ka mid ah Iloow

Insaanka waa iloobe. Ma aha inuu ilow badanyahay ee waa iloobe. Amin waxaa jirta waxow faraha kula jiro ow ka warqabin. Laakiin, wax yar ka dib waa ogaanaa, oo woxow leeyahay, war maxaan sameeyay? Mararka qaarkood waxow suubinaayo waa wax u ku celceliyay, bacdi asagoon ogayn ow iska suubinaa, markay ku haboontahay. Arintaan wanaag iyo dhibaataba waa leedahay.


Hadduu qofka isilaalin badanyahay, waa isqaban karaa, inta xeero iyo fandhaal kala dhicin. Waana sababta loo dhaho dadka waxaa ugu fiican kan isku ilaalinta badan. Marka noqo isilaaliye, si aad u noqotid kan dadka ugu karaamada badan ama ugufiican.



No comments:

Post a Comment