Warka waxaa ugu qurux badan warka qofka markuu sheegaayo ay jirin meel uu ku dhaganyahay, wuxuu dabo taaganyahay siday ula muuqato, ka lilaahi waaye. Waa daacad. Daacadnimada ninkaan waxaad isleedahay war ninkaan waxa jira lama socdo, waa lax dhukan. Waa sidaas marka sida mushaakilaadka dunida loo xaliyo. Waa ka dhukan tahay waxaan lilaahi kaa ahayn.
Ambiyada ama loo waramayaashii Ilaahay waxaad ka dareemaysaa marnaan, ama inay la socon waxa meesha ka socda, waa la socdaan, laakiin waa ka gudbeen.
Ninaa wuxuu yiri wixii macaan, waa macaan yihiin. Wixii kharaarna waa kharaaryihiin.
Wixii aad caashaqsan tahay, waa caashaqsantahay, laakiin taas macnaheeda ma aha, inay ku caashaqsan yihiin. Ka soco waxaan la isla caashaqsanayn, haddii kale naar adduunyo dalaq dheh. Burso wixii la isla caashaqsanyahay, Janno adduunyo dalaq dheh. Adaa Ikhyaar leh.
Waxaan la yaabay awoodda marka wax loo akhriyo si eray eray ah, tartiib, waxaad si fiican u fahmaysaa, ugu yaraan cabbaar ka dib. Tanaam damcay mar inaan shaqo ka dhigto, laakiin bacdamaa aan u nugulahay inaan wax bilaabo laakiin aan dhamayn, ma dhamayn.
Aminta ow qofka ku jiro fana, waxaa la yiraahdaa qofka wuxuu ku dhex safraa Ilaahay dhexdiisa, waxay u muuqataa inay tahay wax jira, waa wax oo ruuxda ay diideen, bal ay ku farxayso in la garowsaday, ma beenaysanayso.
Hadday arintaan saas tahay, waxaas meeshaas ku xalismay mushkiladdii nolosha iyo dhimashada. Waayo qofka wuxuu noqday qayb asaga ka mid ah, waa ruuxdee, oon bolow iyo dhammaad lahayn midna. Sidaas darteed cabsidii laga qabay dhimashada meesha waa ka baxday.
Waxaana tan daliil ah isbadal la'aanta maqaamkaan, oo ka arki kartid mar walba ood gashid ka gadaal.
No comments:
Post a Comment