Bacdamaa aan ka soo sheekaynay qaabka la fadhiisto, haddana waxaan ka waramaa qaabka looneefsado.
Cadaadisyo badan oo laga yaabaa inay ku soo koraan waxaad iskaga dajin kartaa, adoo diiradda saara seddex suul meel ka hoosaysa xudunta.
Meeshaan waxaa la dhahaa waa guriga ruuxda. Deg meeshaan. Markaad meeshaan diiradda iska saartid, waxaad ka dareemaysaa culays. Culaysyada ku soo koraayana waxaa ku khasbaysaa inay meeshaas iska xaadiriyaan, bacdamaa meeshaas diiradda ay kuu saaranyahay.
Marka culaysyada jira oo dhan markay meeshaan tagaan saamayntooda waa mid fiican. Waxay kugu kalifaayaan inaad xasishid jir ahaan iyo maskax ahaan.
1- Marka hore, xudunta far saar, bacdina meel ka hoosaysa labo ilaa saddex suul diiradda saar, bacdina neef qaado, ogolow inay buuxsanto.
2- Bacdi Soo fooci caloosha hoose, adoo banaanka u riixaaya hawana ka buuxinaaya, waa meesha ka hoosaysa fartaada saaran xudunta, labo ilaa 3 suul. Shan mar tiri.
3- Bacdina caloosha hoose gadaal u riix afar mar, marba waxoogaa yar, adoo adeegsanaaya murqaha caloosha hoose, si aad u saartid hawada bixi karta iskaga bixisid
4- Bacdina horay waxaagaa yar hawada u sii daa, bacdina waxoogaa yar sug, haddana in kale sii day, ilaa afar u qaybi, sii daynta hawada.
Xusuuso, markaad rabtid inaad howo qaadatid ama sii daysid, si dagdag ah, ha celin ama ha hor istaagin. Wax fiican ma aha.
Markaan waxaa dhacaysa inaad baraarugytid. Marka dan haka galin wax dadka kale suubshaan, hana karaahsan, shaqadaada qabso, waxa meesha ku jirina si naxariis leh u run ah uga hadal.
Markaad si tartiib tartiib ah hawada u daysid, waxaad awood u helaysaa inaad cadaadisyo badan oo ku saaran inaad iska dajisid, buuqa maskaxdana joojisid.
No comments:
Post a Comment