Sunday, March 31, 2013

Ku dul fikirka astooyinka waa garwaaqsi

Ku dul fikirka astooyinka iyo farxadda aa waxay ku gaynaayaan farxadd buuxda, Janno adduunyo. Bacdi marka lagu dhahaayo dabogal farxaddaada, arintaan aa laga wadaa, waa say noola muuqatee. Cishqiga iyo naxariista u dhexeeya ragga iyo dumarka waa asto, waana wax lagu xasilo, siduu Qoraanka sheegay, waa wax ay leeyihiin qolo fikiraysa.

Waa fahmaysaa, bacdina waad ka fakiraysaa ama dareemaysaa,  waxa mudan in la dabo dhigto, waa wax farxadooda tahay qoraxda oo kale.

Mar waxaa jirta qofka geerida ay dhibeen iyo mar ay dhibayso, ruuxdiisa markay la midowdo ruuxda Ilaahay, bacdina aad ka mid noqotid, ma jirto cabsi geeri. Laakiin asaga iyo asalkiisa markay kala baxaan, ow shaydaan raaco, waa markaas markay geeridu dhibayso.

Waxa ay tahay in la dabodhigto, marka la dabo dhigto ka bacdi aa si fiican loo ogaadaa inay ahaayeen wax mudan in la dabo dhigto, ee intaan la dabo dhigan ka hor lama ogaado, marka laga reebo inaad ku faraxdid dabodhigashadeeda.




No comments:

Post a Comment