Sunday, March 3, 2013

Marnaanta iyo Shaqada wax Xuraysa

Lacag samayn la'aantana waa qabatiin la rabo in laga gudbo, laakiin waa inaa fahanaa in qabatiinka yahay shay aan ciyaar looga gudbi karin. Marka waa in la adeegsadaa xeerka dawacada, marba wax yar, si loogu qanciyo qabatiinka in laga fiicanyahay. Hadaf shishe, oo adag, waa inuu jiraa, qorshe fog iyo sahay kaabaysana dawacaynta iyo guud ahaan dagaalka lagula jiro qabatiinka aan fiicnayn.

Bacdi shaqo loo qabto qofka waa inuu ismariyaa, haddii kale ma aqaan sida shaqo fiican loo qabsan karo.

Ismarinta marka shaqada ay ka mid tahay. Runtii waa shidaalka aad u baahantahay inaad shaqada ku qabatid.

Arintaan waa nooc ka mid ah taqwada ama isilaalinta.

Jabaanayska taqwada waxay u yaqaanaan Jishu Samay, Gariigii horena temperance. Labo wado aa lagu haleelaa marka laga hadlaayo jirka, socodka dheer iyo fadhiga iskorjoogtada.

No comments:

Post a Comment