Sunday, May 19, 2013

Waa tagayda geddiga ah, al-fana al-mutlaq

Tagitaanka furan, ama fanaaga mudlaqqa ah, waa jaarjarka ama kaarikeeyaha xuriyada, xor laga noqonaayo cadaadisyada jirka soo culaabinaaya, khaasatan kuwaaan fiicnayn ee kugu riixaaya waxa la iska inkiro, oo la yiraahdo waxaan ma naqaan.


Waxaa jira labo digtoonaan ama dhiifoonaan. Mid waxaad u diiradaysan tahay, sida qofka baabuurka wada oo hortiisa fiirinaaya oo kaliya, midna waa mid baahsan, oo waxaad la mid tahay qofka baabuurka wada, oo fiirinaaya gadaal, horayda fog iyo geesaha asagoo isticmaalaaya haadka. Labadaan digtoonaan isku mid ma aha. Walaw la dhihi karo mid markaad diiradda saartid, midda kalena waa saarantahay, bacdi haddii baabuur xowli ku socda kaa soo galo dhanka bidix, haadda aad ka arkaysaa. 

Qofk markuu neeftiisa tirinaayo, waa inuu neefta ilaaliyaa iyo tirada; digtoonaanta noocaan ah waxay la mid tahay labada digtoonaan oo horay loo soo magacdhabay.

Qofka markuu ku guulaysto inuu tiriyo neeftiisa, wuxuu yeelanayaa labada digtoonaan, inuu ka war haayo neef walba, tirsigana ow iloobin.

Taas waxaa la mid ah shaqada; inaad shaqada si digtoonaan ku jirto u qabsatid, yoolkana aad iloobin.

Sida caadiga ah markaan sidaan soo xusnay u neefsado, bacdina aan si fiican u tiriyo waxaa I gasha kalsooni ah inaan isxurayn karo.



No comments:

Post a Comment