Thursday, May 9, 2013

Qaybtii Saddexaad ee Muraaqabada ama


9- Fuul barshin buuran oon gaarayn cajaraha ama bowdyada, laakiin hoostaala simaha. Waa lama huraan in barshinta ay buurantahay, si bacdi aad si fiican ugu fariisatid. Lugahaaga bacdi gadaal u laab sida adigoo attixiyaat u fadhiya, laakiin labada lugood dhinacooda kore waa inay dhulka ku masaxanyihiin.
10- Bacdina qaybta kore ee simaha kor u jeedi, arintaan waxay kuu sahlaysaa inaad dhexda aad horay u riixdid, si caloosha horay ugu soo foocdo. Dadka odorosa fadhiwanaaagga arintaan amin farobadan ay kutalinaayeen in la naawilo. Waxay leedahay macaash aan la soo koobi karin oo dhinacyo badan ah xittaa haddaad awoodid, marka meelahaas aad iska fadhidid, ku naso caloosha hoose. Bacdi, waa daalaysaa cabbaar ka dib, waadna taqaan waxa laga falo, socod ama jimicsi waxoogaa yar iwm.


11- Waxaa kaloo dhacaysa in culayska jirka markaan ku soodago qaybta hoose ee caloosha. Meeshaan waxaa la dhahaa waa xarunta jirka.Dadka karatayga ciyaara ama ciyaaraha kale oo la midka ah, waxay dhahaan meeshaan qofka mar kuu dego, waa markuu in badan diiradda saaree, waa xasilaa. Runtiina waa wax adigaba aad arki kartid haddaad tijaabisid. Inta badana,! marka xabadka ama meelo kale la iga qabto, sida madaxa, waxaan diiradda saaraa meel labo ilaa saddex suul ka hoosaysa xudunta; bacdina xanuunada jira iyo cadaadisyada waa iska khafiifaan, si guurguurasho ah, ama waa iska tagaan. Waa sir wayn.

No comments:

Post a Comment