Muxuu Yahay Mu
Waa maxay Mu, mu waa eray Jabaanays ah macnihiisana yahay
waxba ma jiraan. Ardaydaa aa la dhahaa muxuu yahay mu? Jawaabta ma aha
sharaxaad ee waa dareen ama fikir xididaystay, si kale haddaan u dhigno, waa
waayo aragnimo. Macalinka Jawaabta waa inaad dareensiisaa ama waa inuu kaa
akhristaa in waxaan aad iska ogsoontahay, waxaa taas ka horaysa inaad dareentid
ama ay ku dhacdo.
Adoo aamusan, oo carabka ku dhaganyahay dhabxanagga dheh
mu, waxaan waa ka fiicanyihiin waxaan in
la cuno waraabe, diintana kama hor imaanaayaan. Mu waa nafyi, diidmo, marka
dhanka Diinta laga fiiriyo dhahaysa waxba ma jiraan marka laga reebo, aan ku daraynaa
haddaan Muslimiin nahay Eebe ma ahane, inta kale asaga ay ka imaanaayaan, oo
asal u ah, asaga ayna u dhammaanaayaan. Eebe kaliya aa jira, waxa kale oo jira
ma jiraan, waayo jiritaankooda kuwa jira wuxuu ku xiranyahay kan Eebe, ee ma
aha wax oo isjiraysiin kara, Eebe la’aantiis. Waa sidaas marka ay aayadda
Quraanka u leedahay “geddi waa fool, asagaa muwaalinaaya”. Marka wax jira ma
jiraan aan ka ahayn Ilaahay.
Markaad dhahdid mu culaab aa fuulaysa caloosha hoose. Tan
waxay kuu sahlaysaa saan marar badan soo sheegnay inaad culaysyada ku soo
koraaya iska dajisid, bacdina xurowdid, xor noqotid. Bacdina magaalada aa marba
dhinac iska maraysaa.
Neefsiga
Saan soo sheegnay, markaad neefa saaraysid, murqaha caloosha
ka riix meel xudunta u jirta, dhankeeda hoose, labo ilaa saddex suul adoo u
riixaayaa gadaal dhanka dhabarka. Intaadan riixitaanka bilaabin, saan soo
sheegnay, dhexda horay u soo fooci, si culayska jirka ow u fuulo caloosha
hoose, haddii kale waxow fuulaa jirka qaybtiisa sare, tan waxay abuuraysaa
dhibaatooyin tiro badan, sida daganaansho la’aan xagga jirka iyo madaxa ah.
Waxaa fiican inaad riixitaankaan u qaybisid afar qaybood, afar riix, waxoogaa u
dhaxeeyaan, waa adoo u nasanaaya oo kale: riix, naso, riix, naso ilaa afar mar.
Saas oo kale sii daynta hawada, marba waxoogaa yar sii
daa, ayadana afar u qaybi, waxoogaa yar sii day, miriro sug, intaad awoodid,
5-10 ama xitaa ilaa 20, laakiin joogtee, midkaad awoodid, waa joogtaynta waxa
fududaynaaya isbadalka qotoda dheer, bacdina sii daa, muhiimka, mar kale, waa inaad qaab joogtayso si aad culaabaha
iskaga tuurtid.
Markaan tan dhameeyso, waxaan hawo qaataa shan mar, marka
hore xudunta, saan soo sheegay, aan farta saaraa, bacdina meel labo ilaa saddex
suul ka hoosaysa xudunta aan far kale saaraa, bacdi neef aan qaataa caloosha
hoose soo foocisa, bacdina waa soo riixaa ilaa ka soo bararto ama ka soo
foocanto. Saan waxaan suubshaa shan mar.Qoraaga wuxuu leeyahay markaad mu leedahay, u dheh sida adiga oo riixaaya albaab xiran. Raaxitaankaan wuxuu saamaynaa caloosha hoose.
Markaad cadaadisyada jira ay guuri rabaan, waxaan maqlaa
qaylada caloosha ka yeerto oo kale, markuu qofka shubmaayo ama shubmi rabo.
Inta badan baahida aan u qabo inaan neefta daayo, waa iska yaraataa bacdina waxaan
awood u helaa inaan amin farobadan neef bixin. Tan waxay daliil u tahay inaad
gaartay ama u dhowdahay markaan marnaanta, ama waxa Suufiyada ugu yeeraan
tagitaanka.
No comments:
Post a Comment