Darajada sideedaad , marka dhanka muraaqabada, iskorjoogtaynta laga fiiriyo, waa darajada qofka ow ogayn waxa socda. Waa fadhiyaa, hadduu rabo waa iska kici karaa, laakiin amintaan fikir ama dareen ma jiro, wax qofka ku soo dhacaaya ma jiraan. Waxaad ku jirtaa fanaa, ama waa tagay.
Darajada sagaalaad, waa markow qofka ka soo baxo fanaa, wuxuu la midyahay guri nadiif laga dhigay oo kale. Aduunka dhan wax cusub ow ku noqonaa.
Darajada 10aad, walow tan hore lagu tirin karo, haddana amintaan qofka waa ka gudbay adduunka iska soo horjeedka iyo lagdanka, waana dhex joogaa, walow haddana laga yaabo inuu qayb ka yahay lagdanka, haddana ma jirto cadaawo gaar ah cid loo qabo, waayo, waxow ogsoonyahay geddi inay yihiin hal naf, waana tiisa, dadkoo dhan wuxuu ula dhaqmaa sida asagoo kale, xujo ow ku helaa, asagana waa lagu helaa.
Marka waa xor. Sirta nolosha waa iska intaas, laakiin insaan aa la yahay, marka waa la iska iloobaa. Insaan. Laakin baro inaad dadka ula dhaqantid inaad adiga isla dhaqmaysid. Ku jimicso, bacdi dadka waxya ku leeyihiin ninkaan ama marwadaan waa caqli badantahay.
Darajadaan waxay u baahantahay tacbasho, cabbaar ka dib sida battariga ay u dhammaanee, bacdi mar kale in la kaarikeeyo waaye, kaarikadana waa salaad lagu tukado si busaarad leh, khushuuc waa busaarad, shaqo adduun iyo aakhiro labadaba oo loo naawilaayo Ilaahay dartiis.

No comments:
Post a Comment