Muraaqabada Suufiyada Casriga ah ama Iskorjoogidda ama khilaawada waxay xal u tahay ku filan qaabeesooyin tiro badan oo Iloobaha qabta.
Waana aalad loo adeegsan karo in la isku nadiifiyo oo xalay dhalay loo noqdo, waa cusub.
Saas oo kale waa aalad loo adeegsan karo in lagu fahmo Diinta, khaasatan in Ilaahay lagu barto.
Aqoontaan inta badan waa la qariyaa, waayo dhibkeeda aa badan, manfaceedana waa badanyahay. Maadaama shicibka Soomaaliyeed ay waajahaayaan dhibaatooyin badan, waxaa lama huraan ah kaalmo walba oo la siin karo in la siiyo, si ay uga baxaan waxay ku jiraan bacdna ugu naaloodaan nolol hagaagsan.
Intaan horay u socon warkaan iga qabo: wax Diinta Islaamka ka horimaanaaya ma wado, taas waa in la ogaadaa.
Haddaad igu aragtid anoo sheegaaya wax ka hor imaanaaya Diinta Islaamka, Iga la dood, haddaad Iga gar heshid, waa ku raacaa, haddii kalena warkaad wadid, aad meesha kala tagaysaa.
Iskawarqabka, ama waxay suufiyada ugu yeeraan muraaqabada, Ashiyana looga yeero meditayshanka, af Ingiriisiga, aan udurusaynaa.
Macaash adduunyo iyo mid aakhiro aw leeyahay, tanaana nagu kalifaysa inaan udurusno.
Meditayshanka macnihiisa waa fikir ama miyir ama baraarug ama digtooni yoolkiisa yahay in la soo jeedo. Tanna caado laga dhigto.
Sidaas darteed, iskorjoogtada yoolkeeda dhow waa digtoonaan ama waa joogaa, lidkeed waa jooge maqan.
Quraankana dadka waa ku dhiiri galiyaa n hal iyo labo labo loo fikiro, ama si miyir leh wax loo uduruso.
Yoolka miyir-uduruska fog, ama muraaqabada, ama iskorjoogidda, Culumada Suufiyada waxay dhahaan, waa Fanaa, ama waa tagay. Intee aaday? Siir fil laah, wuxuu ku dhex safray Ilaahay.
Arintaan aan naawilayno waxaa loo arki karaa casriyaynyta duruqda Suufiyada ee Soomaaliya, iyo Caalamka oo dhan, tan waxaa ka macaashi kara ururada kale ee Muslimiinta, sida ictisaam, Islaax, iyo guud ahaan ikhwaanul Muslimiinka iyo xitaa dad aan intaas oo dhan ku jirin, laakiin Muslimka ah iyo iloobe oo dhan ama xittaa jinni iwm.
Iskorjoogidda waa isilaalin ama taqwo, haddii si kale loo fiiriyo. Dadkana waxaa ugu karaamo badan, sida Aayadd Quraan ah oo caan ah ay leedahay, oo ka hadlaysay beelaha iyo ummadaha, kuwo isku ilaalinta badan.
Marka Suufiyda waxay dhahaan qofka markuu tago, fana, bacdina uu soo noqdo, waa haraa, baqaa.
Waxaa la dhihi karaa ma neefsi iyo murabac u fariisaho laga soo miinguuriyay dadaan Muslim ahayn aa faras noqonaayo sahla in Ilaahay lagu dhex safro?
Jawaabta waa haa, waa sahlaayaan, laakiin kuma filna. Wax walba asalkooda waxay ahaayeen xalaal ilaa wixii xaaraan waaye la dhahay waaye ma ahane. Tan waa saldhigga garashada ama fiqiga Diinta Islaamka. Ma arkin meel lagu yiri neefsi iyo fadhiisasho diinta ma ogala, haddaad ku aragtay ee keen.
Xassan Daahir Aways wuxuu dhahay isqarxinta waxaan ka keenay Jabaanayska, asagoo iska fogaynaayay Qaacidada, walow Shabaabka ay la garan waayeen istaraatiijiyadaas, haddana wuxuu hoosta ka xariiqaayay in wax laga soo miin guuriyay dadaan Muslim ahayn in Janno lagu gali karo.
Si kale u dhig, wax Nabiga NNKHA uu samayn, saxaabadana ay samayn uu dhahaayay Janno aa lagu galaa.
Marka annaga hadda saas ma lahin, oo neefsiga iyo fadhiga in Ilaahay lagu dhex mari karo culumo waawayn oo Suufiya ah aa hoosta ka xariiqday; waxayna iila muuqataa inay saxsanyihiin;u fiirso hadalkayga waxaan dhahay waa iila muuqataa, laakiin aniga Ilaahay kuma dhex safrin intaan hubo, bacdi ma dhihi karo Ilaahay aan ku dhex safray; haddana ma dhihi karo kuma dhex safrin; laakiin in yoolku yahay in Ilaahay lag dhex safro waa arin runtii ku farax galinaysa.
Culumadana waxay u badantahay inay run sheegaayaan. Laakiin adigaba tijaabi, wadiiqada meeshaan aan soo dhigaa, haddii Eebe idmo.
Aqoontaan waxaa la dhahaa culuumta sirta ah ama asraar; lama huraan ay noqotay in banaanka la soo dhigo, mar kale, sababtana waxaa waaye, Suufiyada Caalamka iyo tan Soomaaliya waxay waajahaayaan khataro halis ah oo kaga imaanaaya dhanka xagjirka iskugu waca salafiyada; u fiirso salafiyo waxaa jira wasad ah ama dhexdhexaad, ma aha kuwaan kuwa aan ka hadlaayo, ee waa kuwa raba inay dalka xoog ku qabsadaan, wadahadalka iyo doorashada aan ogolayn; raba inay talada ummadda isku koobaan, walow Quraanku sheegaayo in talada ay tahay mid dhex taal Muslimiinta, si kale u dhig, xagjirka aan ka hadlaayo waa Axmed Godane iyo inta la jirta, ama Shabaabka guud ahaan.
Salafiyada xagjirka ah ayagoo isticmaalaaya tabo meelo kale laga soo miinguuriyay, sida isqarxiska, ay rabaan inay wadanka Soomaaliya oo dhan xoog ku qabsadaan, bacdina ciribtiraan Suufiyada iyo intay u arkaayaan inay ka soo horjeedaan kaligii talisnimadooda.
Masiirkaan waxaa lala damacsanyahay Soomaalida aan ahayn Salafiyada xagjirka ah oo dhan, iyo xitaa kuwo xagjirka ka mid ah oo dhinaca dhexe u jaleeca, ictisaamka, ikhwaanu Muslimiinta, iyo Soomaalida aan la safnayn Axmed Godane iyo inta la jirta.
Howlahaan aan wadno waxaa nagu kalifay, qayb ahaan, in masiirkaan foosha xun ay damacsanyihiin xagjirka Salafiyada laga hortago, ayadoo la isticmaalaayo wax walba oon ka hor imaanayn Diinta Islaamka.
Waxaan arkay oon maqlay ninka la dhaho Xassaan oo Nayroobi jooga, oo taageera xarakada Shabaabka oo leh dadka Suufiyada waa mushrikiin, ma aha Muslimiin; ninkaas iyo inta la midka ah hadday dalka qabsadaan, maxaa ka filaysaa inay suubinaayaan? Waa nin Soomaali ah ninka sidaas u hadlaaya, ma ka imaan meel kale. Wuxuu tusaale u yahay xagjirnimada Salafiyada hubka wadata, ee Axmed Godane madaxda u yahay.
Ma qarsan cadaawada ow u qabo suufiyada, iyo dadka aan la fikirka ahayn, waa u cudur daaray xitaa dilkii wadaad ictisaam ahaa oo lagu dilay Boosaaso, aakhirkii 2011; waxaa la joogaa xiligii la iska dhicin lahaa asaga iyo inta la mid ka ah, inta waqtiga la haysto, ama masiirka ay damacsanyihiin qoorta haloo dhiibto, bacdina halugu noolaado duli adduunyo iyo xanuun dambe oo tiro badan.
No comments:
Post a Comment