Friday, May 17, 2013
Qaabka loo tirsado neefta
Qaabka loo tirsado neefta
1- Mar walba ood neef qaadatid, dheh kow, adoo aamusan, ama si hoose u dheh, walow tan hore ay fiicantahay, haddana midda dambe iskaga tababaro ilaa aad ka awoodid inaad tirisid adoo aamusan, oo cunaha culaabaaya, markaad neef iska saartidna labo dheh, adoo aamusaan ama hoos u dhahaaya, saas ku wad. Qaabkaan waa qaabka barbaratoyda ay neefta u tirsato.
2- Tiri kaliya markaad neef saartid, adoo dhahaaya kow, laakiin ha tirin markaad neef qaadatid, culaabi cunaha markaad tirinaysid. Tan waa jimicsi ay ku jimicsadaan dadka horayumaray. Mar kale, hoos u dheh ama adoo aanusan dheh, adoo culaabinaaya dhuunta.
3- Tiri markaad neef qaadatid, laakiin ha tirin markaad neef saartid. Tan waxay kuu sahlaysaa inaad si fiican u baratid sida neefta loo qaato, laakiin waxoogaa waa adagtahay. Kor u dheh tirsiga ama hoos u dheh, walow hoos u dhaha ay fiicantahay, haddana kor u dhaha ku tabobaro.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment