Saturday, May 4, 2013

Darajada Afaraad iyo shanaad ee Tosan.

Marka mudanaha iyo marwada markay qacda hore indhaha isku qabtaan, sida caadiga ah, fikir ama dareen ma jiro, laakiin waxaa dhacay indhihiina isku aadiyay. Markaan waxay dhacdaa marka qofka waxba dan ka lahayn oo howlihiisa iskaga jiro. Markaan waxaa jirta maskaxda qayb ka mid ah oo shaqaysa.

Bacdi mudanaha markow bilaabo hadalka, geesaha la isdaro, ma aha inaad dib ula baxdid. Marka indhaha ku hay waxa meesha ku jirina si kaftan leh uga hadal.

Marka la leeyahay sirta nolosha waa naxariis adadag ama adadayg naxariis badan. Ama kaftan adadag ama adadayg kaftama. Mar walba tan waa shaqaysaa marka laga hadlaayo dumarka, lacagta, caafimaadka,siyaasada iyo diinta. Waa fure.

Marka tan waa darajada shanaad, waa marka biyaha uumi noqdaan, dabkana ow noqdo dambas. Markaan qofka iyo qofta waxay noqdeen ubax.

Sida caadiga ah, ragga waa holcaan dumarkana waa barafoobaan, waa biyo, ragga dumarka waa gubaan, bacdina uumi ay ka dhigaan, waxa dadka afkooda ka soo baxa markay meel qabow ah joogaan, meel kululna ka soo baxeen, raashin fiicana soo heleen. Raggana waxaa laga dhigaa dambas, bacdina dambaska waxaa ka soo baxa nin qurux badan. Dib ow u dhashaa. Marka ragga iyo dumarka waxay isku yihiin raashin lama huraan ah.

No comments:

Post a Comment