Hoos ka fiiri Iskorjoogto ama miyir-uduruska sida loo sameeyo.
Dadka qaarkiis taqwada ama isilaalinta joogtada ah ma aha wadadooda; waxaa ku filan inay qabtaan shaqo ay ka muuqato naftii hurnimo.
In la gacan qabto kuwaan waa naftii hurnimo ama dalacad fuul: waalid dhiban, xigto, qof kurbaysan, socoto, iyo wixii la mid ah.
Laakiin qof walba inuu is ilaaliyo waa mid meesha ku jirta, si ow u barto tabaha shaydaanka isticmaalo.
Heerka qofka nolosha ow ka joogo waxaa go'aansanaaya heerka ay gaarsiisantahay isilaalintiisa, sida Waaq Quraankiisa ow ku sheegay, suuradda ama cutubka 49aad, aayadda ama astada 13aad. Si qolo u noqoto qoloda ugu karaamada badan ama xitaa shakhsi waa is ilaalin, la iska ilaalinaayo waxa la inkiro, lana bursanaayo waxa lawada yaqaan.
Mid ka mid ah qaababka la isku ilaalin karo aan meeshaan ku soo bandhigaynaa.
Baaritaano iyo udurus badan oo lagu sameeyay meditayshanka ama iskorjoogtada, waxaa la isku raacay inay u fiicanyahay caafimaadka bacdamaa ow xasiliyo dadka.
War hooyaay xuska Eebe waa lagu xasilaa, waa asto Quraan ah. Sidaas darteed, xasilka waa yoolka Muslimka, bal Iloobe oo dhan.
Waxaa xusid mudan nidaamka aan sharixi doono inuu kaa caawin karo mudada fog, iyo xittaa muddada dhow, culaysyada ku soo koraaya, meeshay rabaan haka imaadaane, inaad iska dajisid. U fiirso waa caawimo, mararka qaarkood wax kale aa loo baahanyahay, sida hurdo, raashin, jimicsi iwm.
1-Dhigo buste, ama wax la mid ah, oo lalaalaabay, dhirirkiisana la egyahay hal tilaabo, ama saddex cag, oo afar gees ah, ama labo jibaaran.
Fadhigaan, mudada fog, mirqaanka waa ka fiicanyahay, waana bilaash, marka fadhi ka fiican waa yaryahay, marka laga reebo tukashada. Runtii mirqaanka waa masal fiican.
2- Waxaad kaloo u baahantahay barshin ama barkin yar oo buuran, si aad u dhigatid simaha hoostooda.
3- U jeeso darbi, si waxyaabo kale aad ugu mashquulin.
4-Waxaa jira qaabab badan oo loo fariisan karo, waxaa lama huraan ah, inaad u fariisatid qaab sahlaaya inaad fadhidid xanuun la'aan iyo dhaqdhaqaaq la'aan dagan amin dhan 20 ilaa 30 daqiiqo.
4-Haddii fadhiyada lamagacdhabi rabo aad u fariisan karin, si xanuun la'aan ah, bacdi ku fariiso kursi, adoo samaynaaya wixii lagula taliyay qof fadhiya inuu sameeyo, intaad ka awoodid.
5- Xiro dharaan kugu dhaganayn, si aadan ciriiri u galin qayb ka mid ah jirkaaga. Mumaaarasaad ama aalmiito ama laylis tiro badan aa laga yaabaa inuu lama huraan yahay si aad u baratid inaad si fiican u fariisatid.
6- Si yaabo kala duwan oo waxaa jira loo fariisan karo. Waxaan ugu jeclahay fadhiga la dhaho fardofuulka. Waana fadhi u fiican barbaratoyda.

No comments:
Post a Comment