Saturday, May 11, 2013

Qaybtii Shanaad ee Muraaqabada


1- Xiriir aa ka dhaxeeya soo jeedka ama baraarugga iyo cadaadiska saaran caloosha hoose. Cadaadiskaan wuxuu xasiliyaa qofka. Meesha kan saaran jirka qaybtiisa sare ow dhaliyo xasilooni la'aan iyo maahsanaan: qofka markow ku dhajiyo garbihiisa dhuunta wuxuu cadaadis saaraa jirka qaybtiisa sare. Meesha culayska caloosha hoose saaran ow joojiyo fikirka, kala buriyana cadaadisyada jira , culayska jirka qaybtiisa sare saaran wuxuu afuufaa fikir badan, wuxuuna badiyaa cadaadisyada jira. Marka cadaadis la'aan ma ahaanaysid mararka qaarkood, maad marka cadaadiska caloosha hoose haysid?

2- Marka horay labo qaab aan u soo sheegnay, mid wuxuu ahaa in diiradda la saaro meel waxoogaa ka hoosaysa xudunta, ilaa 2-3 suul. Meeshaas iska dag. Waxaa la dhahaa waa guriga ruuxda. Midna waa inaad u fariisatid si calooshaada soo taagaysa. Tan waxaan dhahnay waxay ka dhalataa in dhexda horay loo soo riixo ka dib marka simaha waxoogaa yar kor loo jeediyo.

3- Waxaa laga yaabaa in la dhaho mala un baraarugsanaanaa?. Soo jeed kaliya maa lagu jiraa? . Soo jeedka waa asalka qofka intuu hurdin, waa mid meesha ku jirta abadi in loo digtoonaado haddii xuriyo la rabo. Soo jeed marka intaad awoodid.

4- Waxaa kaloo caloosha hoose, oon ula jeedo meel ka hoosaysa 2-3 suul xudunta, culays lagu saari karaa neefta oo la joojiyo, marka loo fariisto mid ka mid ah siyaabaha aan soo magacdhownay.

5- Waxaa kaloo caloosha hoose cadaadis lagu saari karaa Isha oo saxar yar lagu qabto bacdina aan laga qaadin.


No comments:

Post a Comment