Saturday, May 4, 2013

Darajada koowaad,labaad iyo saddexaad Toosaan

Nin dhalinyaro ah waxaa laga yaabaa inuu hindhiso, bacdina gadaashiisa fiiriyo, ow arko marwo meesha taagan.

Si fiican looma fahansana waxa dhaliyay hindhisaha iyo jaleeci dad.


Amintaan hore ma jirto dareen iyo fikir. Wax jira ma jiraan.

Marka waxow sameeyo ma yaqaan. Tan waa darajada koowaad.

Cabbaar ka dib marwada ow fiirinaa, shaki aa galaayo, ma tiiyaa mase waa mid kale?

Shakiga waa darajada labaad. Waxaa sii wayneeya calwisnaanta iyo buuqa maskaxda.

Toosaan, Caalim Jabaanays ah, oo bari hore noolaa, wuxuu leeyahay wado aa ka furan darajada koowaad, taasoo kaa saaraysa nolosha caadiga ah ama tan busta. Garashadaan waxay ku galinaysaa darajada saddexaad.

Lidkeed waa adoo dhaha shaki lagu daray waxba, een waxba kama soo socdaane naga wada. Waxaad ku hartay darajada labaad.

No comments:

Post a Comment