Friday, May 10, 2013

Qaybta Afaraad Muraaqabada

Qaybtii Saddexaad ee Muraaqabada ama Ishorjoogidda
13- Feer duubo: Afarta lafo oo kuukuusan oo ku yaala meesha ay ku dhamaadaan afarta faro uu ku jirin suulka, saar cajaraha ama bowdyaha. Bacdina howada iskaga bixi si qoto dheer. Meeshay garbaha fariistaan, meeshaas waaye meesha garbaha ay tahay inay dagaan.

14- Madaxa waxoogaa yar huray u soo jaleeci, garkana waxoogaa yar gudaha gali, dhafoorkana waxoogaa banaanka u soo bixi, si looga hortago in dhafoorka la isku soo kaduudiyo, si qof meel dhar wax ka fiirinaaya oo kale.

15- Calaacasha gacanta bidix kor u jeedi, tan midigna hoos dhig gacanta bidix. Bacdina labada suul foodooda isa saar. Ama suulka midig ku qabo calaacasha gacanta bidix, kolay aniga tan hore aa ila yaab badan sababtana waxaa waaye waa ku xasilinaysaa.


No comments:

Post a Comment