Monday, May 13, 2013
Dabodhigashada waxaad caashaqdid
Marka laguu ishaaro dhankaas aad, waxaad ku ogaanaysaa
waxaan wax raaya inay yihiin dareenka ama fikirka, waxaad dareemaysaa ama ka fikiraysaa waayo waayo qurux badan oo tagay.
Mar kalena waxba ma jiraan, ama waxaad xusuusanaysaa
waayo aan qurux badnayn. Midda hore burso, midda dambena tijaabi.
Bacdi marka lagu dhahaayo dabogal farxadaada, saanaa laga wadaa.
Waxa ay tahay in la dabodhigto, marka la dabo dhigto ka dib aa la ogaadaa inay wax fiican ahaayeen iyo in kale, ee intaan la dabo
dhigan ka hor lama ogaado.
Loo warame Adan, NKHA, wuxuu ahaa naftii gedigeen nalaga
abuuray, bacdina waxaa nalaga dhigay noocyo, caynan. Mid ka mid noocyadaas waa wali, ama waxa afka carabiga lagu dhaho maa zaala, wali waa sidii.
Maalin maalmaha ka ka mid ah anigoo muraaqabo ku jira,
waxaan ka xusuustaa, markaan ka fikiray ka dib: dhaqdhaqaaq ma jirin, waa surnaa. Fikir ma socon, ogaal ma jirin, wax jira ma jirin.
Cayn ka mid ah naftii hore waa wali. Dadka qaarkiis waxay dhahaan xawaaraha ay ku socoto aa aad iyo aad u sareeyaa, waxaad u qabtaa inay istaagantahay.
Mid kalena waa dhaqdhaqaaq, oo ah mabda' ama bilow ka soo
horjeeda dhaqdhaqaaq la’aanta. Sidaas darteed, midna wuxuu ku qurux badnaadaa markuu ciyaaro ciyaaraha boodboodka ku legta leh, midna fadhiga aan nuuxnuuxsiga lahayn. Mid walba wuxuu ku mulhamanyahay wixii loo abuuray.
Marka Aadan wuxuu lahaa cadow, Ibliis.
Waana siray, oo wuxuu ku dhahay, cun geedkaan waa geedkii
waaritaanka iyo boqortooyo aan baaliyoobeen.
Markay cuneena, cawradoodii aa isku muuqatay, bacdina
waxay bilaabeen inay isku qariyaan laamihii janada.
Ibliis intaas kuma harin, ee wuxuu dhahay howsha dhuminta
waa sii wadaayaa, marka laga reebo kuwa adiga kaliya wax kuu wadwada,
mukhlisiinta.
Marka Ilaahay dartiis markaan wax loo wadwadin, Ibliis aa la isku saladaa.
Waxa Ilaahay dartiis u wad, ama Ibliis aa lagu dabo dhigaa, bacidna waa ku dhibaayaa. Maxaa isku dhibaysaa. Ilaahay dartiis inaad wax u wadid aa ku fiican adduun iyo aakhiro. Waxaan isleeyahay Ibliis waxaa loogu kaadiyay in lagu dhibo kuwa wadada Ilaahay ka leexday.
Aadan markii ow sameeyay wixii la dhahay ha samayn, waxaa
bilaabatay inuu arko xumaan, sida cowrada, bacdina wuxuu bilaabay dadow. Markaad ogaatid wax inay fiicnayn, ka tag, ama waxaad mudantahay dhibaato.
Aminta fanaa iyo xaaladdii uu Aadan ku jiray, intuu cunin geedkii ha cunin la dhahay, waxay iskaga mid yihiin ka warqab la'aanta waxa jira, sida ayadoon la ogayn in la qaawanyahay.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment