Lacag samayn la'aantana, tusaale, waa qabatiin la rabo in laga gudbo, laakiin waa inaan fahanaa in qabatiinka yahay shay aan ciyaar ciyaar looga gudbi karin.
Marka waa in la adeegsadaa xeerka dawacada, marba wax yar, si loogu qanciyo qabatiinka in laga fiicanyahay. Hadaf shishe, oo adag, waa inuu jiraa, qorshe fog iyo sahay kaabaysa dawacaynta iyo guud ahaan dagaalka lagula jiro qabatiinka aan fiicnayna, waa inay jirtaa.
Bacdi shaqo loo qabto qofka waa inuu ismariyaa, haddii kale ma aqaan sida shaqo fiican loo qabsan karo.
Ismarinta marka shaqada ay ka mid tahay. Runtii waa shidaalka aad u baahantahay inaad shaqo fiican ku qabsatid.
Arintaan waa nooc ka mid ah taqwada ama isilaalinta.
Jabaanayska taqwada waxay u yaqaanaan Jishu Sammay, macmacaanka xakamee, Gariigii horena temperance, ama isxakamayn.
Saddex wado aa lagu haleelaa jishu sammay, wadooyin kalena waa jiraan, tukashada loo naawilo si busaaradaysan, socodka dheer iyo fadhiga iskoorjoogtada loo naawilay sida la magacdhabay ama la magacdhabi rabo.

No comments:
Post a Comment