Qofka markuu neefta isku celiyo, si waafaqsan siyaabaha aan dhowaan gadaal ka soo sheegi doono, kuna xardhan buugga hoos ku lifaaqan ee ku quran afka Ingiriisiga, ama xitaa haddii qofka uu neefta isku celiyo, waxoogaa, asagoo marka uu rabo inuu neefsado, ama ha qaato ama ha sii daayee, sameeya, laakiin waxoogaa isku celiya intuu awoodo, wuxuu arkaayaa inuu istaagaayo waxa maskaxdiisa ka dhex socda, oo waran ah ama fikir.
Qofka intay neefta istaagsantahay, waa baraarugaayaa, ama waa digtoonaanaayaa. Macalin Sakiida wuxuu leeyahay, sida ku qoran buuggiisa hoos ku lifaaqan, digtoonaanta ama baraarugga wuxuu ka dhashaa culays fuulaaya caloosha hoose, meel 2-3 suul ka hooseeysa xudunta. Adigana haddaad rabtid waa tijaabin kartaa.
Madaxaaga mararka qaarkood codka ka yeeraaya waa ku aamusin kartaa. Laakiin xukunkaan aad xukumaysid maskaxda waa mid ku eg inta ay neefta cishoontahay.
Iska ilaali adoon raacin tilmaamaha aan soo sheegi doono, neef isku celiyow ha bag dhabin, haddii kale waxa laga yaabaa inay dhibaato ka soo gaarto. Walow haddaad akhrisid waxaan soo sheegnay, marka neefta aad rabtid sii daysid ama qaadatid, si fiican u fariisatid oo waafaqsan sida la soo magacdhabay, aad ka macaashi kartid neef isku celiyowga.
Bacdi fikradaan waxay sal u tahay fadhi yoolkiisa yahay maskaxda in la xukumo, oon amin farobadan oo soo socota ka warami doono.
Buuggaan aan ku dul fakirayno waxaa qoray Katsuki Sekida
waxaan la dhahaa Tabobarka Sen: qaab iyo falsafo. Waa buug murti badan ay ka buuxdo


No comments:
Post a Comment