Waa maxay Mu, waa eray Jabaanays ah macnihiisana wax ma jiraan. Ardaydaa la dhahaa muxuu yahay mu? Jawaabta ma aha sharaxaad ee waa dareen ama waayoaragnimo. Macalinka Jawaabta waa inaad dareensiisaa, waxaa taas ka horaysa inaad dareentid.
Adoo aamusan, oo carabka ku dhaganyahay dhabxanagga dheh mu, waxaan waa ka fiicanyihiin in la cuno waraabe, diintana kama hor imaanaayaan. Mu waa nafyi, diidmo, marka dhanka Diinta laga fiiriyo dhahaysa waxba ma jiraan marka laga reebo Eebe, inta kale asaga ay ka imaanaayaan, oo asal u ah, asaga ayna u dhammaanaayaan.
Markaad dhahdid mu culaab aa fuulaysa caloosha hoose. Tan wuxuu kuu sahlaysaa saan marar badan soo sheegnay inaad culaysyada ku soo koraaya iska tuurtid.
Neefsiga
Saan soo sheegnay, markaan neeffa saaraysid, murqaha caloosha ka riix, xudunta hoosteeda adoo u riixaayaa gadaal dhanka dhabarka. Waxaa fiican inaad riixitaankaan u qaybisid afar qaybood, afar riix, waxoogaa u dhaxeeyaan, waa adoo u nasanaaya oo kale.
Saas oo kale sii daynta hawada, marba waxoogaa yar sii daa, ayadana afar u qaybi, waxoogaa yar sii day, miriro sug, intaad awoodid, 5-10 ama xitaa ilaa 20, bacdina sii daa, muhiimka waa inaad qaab joogtayso si aad culaabaha iskaga tuurtid.
Markaad tan dhameeyso, waxaan hawo qaataa shan mar, marka hore xudunta, saan soo sheegay farta saaraa, bacdina meel labo ilaa saddex suul ka hoosaysa xudunta aan faraha kale saaraa, bacdi neef aan qaataa dhalinaysa in caloosha hoose inay soo foocdo, bacdina waa soo riixaa inay soo foocdo, ama waa soo foociyaa. Arintaan waxaan suubshaa shan mar.
Qoraaga wuxuu leeyahay markaad mu leedahay, u dheh sida adiga oo riixaaya albaab xiran. Raaxitaankaan wuxuu saamaynaa caloosha hoose.
Markaad cadaadisyada jira ay guuri rabaan, waxaan maqlaa qaylada caloosha ka yeerto oo kale, markuu qofka shubmaayo ama shubmi rabo. Inta badan baahida aan u qabo inaan neefta daayo, waa iska yaraataa bacdina waxaan awoodi karaa inaan amin farobadan neef bixin. Tan waxay daliil u tahay inaad gaartay am u dhowdahay markaad marnaan lahayd, ama waxa Suufiyada dhahdo fana.
No comments:
Post a Comment