Tuesday, March 19, 2013

Murqaha iyo Maskaxda

Qofka ilaa dhuunta haddii laga duugo, bacdina la damco in laga qoslisiiyo, ma qoslaayo, sababta waxaa waaye murqaha caloosha hoose marka hore waa inay isku dhacaan si uu qofka u qoslo, xanaaqa, oohinta iwm waa sidaas.

Marka qofka hawada iska saaro asagoo gadaal u riixaaya murqaha caloosha hoose inta uu riixi karo, sida la soo sheegay, asagoo u fariisanaaya sida la soo sheegay, bacdina uu diiradda saaro caloosha hoose, bacdina uu waxoogaa yar oo hawo ah sii daayo, a asagoo dhahaaya mu, waxaa dhacaysa caloosha hoose inay soo fuulo cadaadis, waa marka lagu celceliyo, kasoo jir iyo maskax ahaanba u xasilinaaya. Faktaas hore oo neefta ah waxaa ku kaydsan awood badan oo sahlaysa haddii la isticmaalo daganaansho, in wax la diiradayn karo iyo in shaqo la qabsan karo. Culaysyada kalena waa kaa qaadaysaa.

No comments:

Post a Comment