Wednesday, March 20, 2013

Digtoonaanta iyo Qabsashada Shaqo Tayo leh

Qoka inuu soo jeedo, baraarugsanyahay, awood u leeyahay inuu wuxuu rabo garto, bacdina waxaas bursado, waxa kalena iska dhaafo waa awood. Qayb ahaana waxay ka dhalataa culays la saaray caloosha qaybteeda hoose, iyo salaad si qushuuc leh loo tukaday, ayadoo la fahmaayo wixii la akhriyay.

Jihaadka; runtii shaqo tayo leh lama qabana karo, si tusaale, waxa lagu fiicanyahay nolol lagala soo baxo, haddii aan dadaal lala imaan joogto ah. Wax walboo qiimo leh waxay ka dhashaan dadaal. Tan waa in la gartaa.

Maalmo waxaa jira qofka uu diiradda meelna saari karin, waa markii qofka fariisan lahaa, bacdina raaci lahaa wadiiqadii aan soo sheegnay, fadhiga, neefsiga iwm, una tukann lahaa salaad si qushuuc ah, ama Quraan u akhrisan lahaa iwm. Inuu qofka nastana waa mid meesha ku jirta.

Haddaad dheg tahay sida aniga oo kale, bacdi isku day markaad murqaha caloosha gadaal u riixaysid, adoo aamusan, waxaad ka soo qaadaa inaad askari tahay gaardinaaya, bacdina dheh hoob, mar walbood murqaha caloosha aad gadaal u jiidid si aad meesha uga saartid hawada la saaro karo, markaad u fariisatid, una neefsatid, sida la soo jeediyay.

Arintaan waxay ku siinaysaa tamarta aad u baahantahay si aad shaqo u qabsatid.

No comments:

Post a Comment