Saturday, March 9, 2013

Gaarista, Niil, Waxba Ma Jiraan, Uurkaaga Waxba Kuma Jiraan

Qofka marka uu u fadhiisto una neefsado siyaabihii la soo magacdhabay, waxaa dhacaysa inuu dareemayaashiisa ay uga imaan wax akhbaar ah, maadaama uu jirin wax dhaqdhaqaaq ah. Wuxuu laakiin dareemaa cadaadis aad u qabto inaad jaakad wayn xiranyahay ayadoo la joogo maalin kulul. Waxaa ku saaran. Waxba kuma saarna, laakiin waxaa la mid tahay qof jooga meel shib laga wadayahay, bacdina maqlay nin kale calooshiisa oo u budbudaysa.

Laakiin cadaadiskaan waa iska tagaa , bacdina qofka wuxuu gaaraa amin waxa jirin. Bacdi markuu dhamaysto fadhigiisa waa cusub u barya.

Meeshuu qofka diiradda saaro, meeshaas ay naftiisa tagtaa. Nafta waxaa la dhahaa waa culaab, culaabtana caloosha hoose markii la saaro waxay u qaaraantaa dhalashada nafta dagan.


Jirka qaybtiisa kore marka la saarana waxay u qaaraantaa daganaansho la'aan.

Sidaas darteed aa waxaa la dhahaa diiradda saar meel ka hoosaysa 2-3 suul xudunta.

Si taxadarka la iskugu geeyo caloosha isku qabo indhahaaga, bacdina meeshaas saar diiradda, waa xudunta hoosteeda.

No comments:

Post a Comment