1- Isha ku qabo wax yar oo le eg ama ka yar saxar ama qurub, la mid ah midka laga arko marka qoraxda hayso dariishadaada, bacdina aad arki kartid shucaaca qoraxda, muhiim waxaa ah inaad wax yar Isha ku qabatid, aadna ka qaadin. Runtii arintaan waxay sahlaysaa inaad joojisid fikirka, sida uu fikirka u joogsado marka muruqyada caloosha la soo ururiyo, fiiri casharkaa sida loo Neefsado. Hadii hal meel fiirintaan lagu daro dhaqdhaqaaq la'aan, marka loo fariisto siyaabaha la soo sharaxay ama si u dhow, waxuu qofka heli karaa macaash tiro badan, oy ku jirto daganaansho, howl karnimo, miyir iwm.
Dadka qaarkiis indhaha waa xiran karaan haddii taas ay ku caawinayso inay cadaadisyo iska dajiyaan.
Tiri neeftaada adoo raacaaya siyaabaha aan soo magacdhabay. Arintaan mar kale waxay kuu sahlaysaa inaad iseberaysid, bacdina aad iska dajisid culaabyo tirobadan oo culaab kugu haayay. Sababta wuxuu leeyahay qoraaga waa culays fuulaaya caloosha hoose.
Xaaladda Muuwaynta markaad ku jirtid, inaad muu dhahdid, uma baahnid inaad tirisid ilaa tobon, laakiin ilaa saddex, bacdina dib u bilow waa ku filantahay, haddii kale oo kala raysa ku day.
Haddana waxaan galaynaa xaaladda labaad. Amintaan afka lagama neebsado, sankaa laga neebsadaa. Carabkana waa in dhabxanagga lagu qabto.
Bacdi markaas neefta bixinaysid dheh mu, ama waa iska sidaas markaad hawada saartid.
No comments:
Post a Comment