Tuesday, March 26, 2013

Garashada iyo Waayoaragnimada

Garashadaada waa inay saldhigataa waayoaragnimodaada, haddii ay ahaan lahayd dareen ama fikir kugu dhex dhashay ama ka dhashay adoo dad kale wax la wada.

Iga raali ahaada arintaan xishood kuma jiro, laakiin waa inaan sheegaa si aan u fahano arin muhiim ah, nafaha kala gadisan aan la noolaano maalin walba.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaan arkay marwo diyaar u ah sariirta, waxaad u qabtaa inay qoyantahay tinteeda iyo jirkeeda, waxay igu tiri maxaad leedahay?
Waxay tusaale ka tahay naftu la dhaho nafta xumaanta farta.

Waa ka tagay. Waxaan ku soo baxay marwo kale, oo markii indhahayga qabteen si farxad ku jirto ii salaantay, haye camal ay igu tiri.

Waxaa xusid mudan labadaba inaan mehersaday amino kala duwan, midda dambe ayaa dhinac walba ka fiicnaynd tan hore. Raaxo haddii la dhahana tan dambe waxay ahayd xuurul cayn.

Waxaa la yaab igu noqotay markaan ogaaday tan inay tahay naftayda. Markaan dadaalo, waxaan la saaxiibaa naftayda fiican, marka kalena, tan kale.

Gadgadoonka nafta waa mid ka dhashay dadaalka aan wadwado. Waxaan si fiican u gartay aayadda dhahaysa masiibada idin haleeshay gacmihiina aad ku shaqaysateen. Marka shaqo fiican qabso, iskana daa maalayacni.

Waayoaragnimadaada, waxaa ka walax ah riyooyinka iyo waxa kugu soo dhaca, maqal ahaan ama muuqaal ahaan, haddii sal uga dhigtid barashadaada si fiican aad wax u garanaysaa.

No comments:

Post a Comment